“Xoolaha Ay Somaliland Sannad kasta ay Dhoofiso Tiradoodu waa 4.5 Milyen” Agaasimaha Wasaarada Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed

Agaasimaha Wasaarada Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed

Hargeysa(Hayaannews): Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga  Somaliland Md. Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in dhoofka xooluhu uu yahay qodob aad mihiim ah, isla markaana taabanaya dhaqaalihii dalka, waxaanu xusay in saddexdii sano u danbeeyay dhoofka xoolaha Somaliland aad u wanaagsan yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii bulshada xoola dhaqata reer guuraagu ay u dadaal xoolaha in Somaliland ay noqonayso dalka ugu dhoofka badan xagga xoolaha.

Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland ay dhoofiso sannadkasta ay tiradoodu dhan tahay 4.5 milyen.

Lafdhabarta dhaqaale ee Somaliland ayaa ah xoolaha nool, marka waxa loo baahan yahay in xooga la saaro dhaqashada xoolaha, daryeelkooda iyo sidii markasta caafimaadkooda looga war hayn lahaa.

Agaasimaha Wasaarada Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com