Sakaatul-fidriga Sheekh Cabdirisaaq RAKUUB

Sheekh-Cabdirisaaq-RAKUUB-Hayaannews

Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sida uu Rasuulku CSW sheegay, “Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adiga oo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto uun baad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

Xilliga la bixinayaa waa cadceedda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceedda maalinta ciiddu, “Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Salaadda ciidda ka hor in aad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo bannaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo Muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sida oo kale lab iyo dheddig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid.

Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sida oo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, balse waxa la doonayaa in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda.

Sheekh-Cabdirisaaq-RAKUUB-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com