Xukuumadda Somaliland Iyo Taiwan Oo Ka Wada Hadlay Ka Faa’iideysiga Iskaashiga Ganacsiga, iyo Khayraadka Dabiiciga

Taipei (Hayaannews):- Madaxweynaha dalka Taiwan Marwo Tsai Ing-wen ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabishay wefti heer wasiirro ah oo ka socda Somaliland oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Taiwan.

Kulanka Madaxweynaha Taiwan oo u wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo masuuliyiin kale iyo Wefdiga Somaliland ee u hoggaaminayey Wasiirka arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd ayey labada dhinac kaga wada hadleen iskaashiga iyo danaha u dhexeeya labada wadan.

Waxaanay Madaxweynaha Taiwan iyo weftiga Somaliland hoosta ka xariiqeen in iskaashiga iyo xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Taiwan in uu yahay xidhiidh saaxiibtinimo oo xididaystay isla markaana aanay cadaw dibadeed waxba yeeli Karin.

Dr Ciise, Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo hadal ka jeediyey kulanka qaabilaada Madaxweynaha Taiwan ayaa sheegay in dalkiisu xiisaynayo soona dhaweynayo maalgashi ganacsatada Taiwan ku sameeyaan kheyraadka shidaalka iyo macdanta ee ku jirta Somaliland.

Mar uu ka hadlayey faragelinta dalka Shiinaha ee xidhiidhka Somaliland la yeelatay dalka Taiwan, ayuu yidhi, “Saaxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan kuma wasakhoobayo cadaadis kaga imanaya faragelin dibadeed”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo ka falceliyey qaabilaadii Madaxweynaha dalka Taiwan ayaa sheegay in xidhiidh gaar ah oo muhiim ah uu ka dhexeeyo dalka Taiwan.

Madaxweynaha dalka Taiwan Marwo Tsai Ing-wen oo hadal ka jeedisay kulankii qaabilaada wefdiga Somaliland ayey sheegtay in sannadahii u dambeeyey dalkeedu qaaday talaabooyin dublamaasiyadeed, oo qeyb ka tahay

“Saaxiibka cusub ee Afrika, Somaliland, taaso xafiisyo dublamaasiyadeed ay ka furteen caasimadaha labada dal.”

Waxii ka dambeeyey sannadkii 2020, “Taiwan iyo Somaliland oo ahaa saaxiibo cusub, waxay sii noqdeen saaxiibo isku dhow. Somaliland waa dal ku yaala Bariga Afrika oo hadda muhiim u ah mashruuca Afrika ee Taiwan,” Madaxweynaha Taiwan.”

Farriin uu ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu ku sheegay, in xidhiidh gaar ah Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto dalka Taiwan, isagoo yidhi “labada wadan ee dimoqraadiyada Afrika & Aasiya u ololeeya waxa ka dhexeeya Xidhiidh gaar ah oo taariikhi ah.”

Madaxweynaha Taiwan ayaa sheegtay in talaalka MEDGen oo lagu sameeyo dalka Taiwan ee xanuunka COVID, ay markii koowaad caalamka ugu deeqeen dalka Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibeda Dalka Taiwan Md. Joseph Wu ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Wefdiga Somaliland ee booqashada rasmiga ku jooga dalka.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaarada Khaarajiga Taiwan ayaa lagu sheegay in “Qaabilaada iyo Iswaydaarsiga diirran ee wax dhisaya ayaa tilmaamaya mustaqbal ifaya ee Somaliland iyo Taiwan oo ay la socdaaan fursadahu.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Taiwan Md. Joseph ayaa hoosta ka xariiqay inay si adag ugu difaaci doonaan badbaadadooda iyo sharaftooda, kulan uu xalay ku qaabilay wefdiga Somaliland.

“Dhammaanteen waxaan jecelnahay xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, laakiin sidoo kale waxaan si adag ugu dagaalami doonnaa badbaadadayada iyo sharaftayada. Taageerada labada dhinac waa furaha, maadaama Taiwan iyo Somaliland ay yihiin kuwa wada-xoog leh.” ayuu yidhi Md. Wu, isagoo sii raaciyey, “inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo ballaadhinta is dhaafsiga u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland.”

Dhinaca kale Somaliland iyo Taiwan ayaa si adag uga jawaabay hadal xanaf leh oo lagu xajiimaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo ka soo yeedhay dawladda Shiinaha. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Ciise Kay doo hadal ka soo yeedhay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa caddeeyay in Somaliland inkastoo aanay xubin ka ahayn qaramada midoobay hadana ay xaq u leedahay in ay caalamka xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid dublamaasiyadeed in ay la yeelan karto isla markaana xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan in uu yahay mid aan cidina wiiqi Karin

Wasiir Dr Ciise Kayd oo la hadlay warbaahinta Taiwan waxaa uu ydhi.“Qaran madax-banaan ahaan, waa xaqa Somaliland inay si nabadgelyo iyo saaxiibtinimo ah ula macaamisho dhammaan shucuubta kale ee caalamka, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah,”

Waxaanu wasiirku intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.”Dhammaan tallaabooyinka qasabka ah ama hanjabaadda ah ee lagu diidayo wada shaqaynta noocan oo kale ah ee ka dhaxaysa saaxiibada caalamiga ah kaliya maaha inay meel ka dhac ku yihiin baratakoolka iyo xeerarka uu ku saleysan yahay nidaamka caalamiga ah, waxbadan kuma kordhinayaan kor-u-qaadidda nabadda iyo amniga gobolka iyo dunidu u baahan yihiin.” ayuu yidhi Dr Keyd.

Wefdiga Somaliland oo booqasho rasmi ah oo shan maalmood qaadanaysa ku jooga dalka Taiwan, ayaa maanta la filayaa inay la kulmaan madax kala duwan sida Wasiirka Maaliyadda & masuuliyiin kaloo dalka Taiwan ah.

Taiwan iyo Somaliland ayaa badhtamaha sannadkii 2020-kii si ramsi ah u bilaabay xidhiidh dibloomasiyeed, iyagoo labada dhinacba xafiisyo wakiil ah danaha labada waddan ka furay magaalo-madaxyada Taipie iyo Hargeysa isla sannadkaas.

Taiwan ayaa ka taageerta Somaliland dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwan.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com