Xukuumadda Somaliland Oo Ku Eedeysay Dawlada Soomaaliya Inay Dhiiga Bini’aadamka Xaalashatay, Soona Bandhigtay Ciddii Ka Danbeysay Dilkii Cabdinaasir Dahable.

Hargeysa(Hayaannews): Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Caddaysay Shaqsiyaadkii Iskaashaday Dilkii Alle ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable iyo Jidh dil Loo geystay Dhalinyarada Somaliland ee sharci darrada loogu haysto Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’ada Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed ayaa maanta sida wada-jira u qabtay Shirjaraa’id oo ay kaga hadleen ciddii ka danbeysay dilka Cabdinaasir Dahable iyo jidh dilka loo geysanayo dhalinyaro lagu masabidayo dilkaasi.

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland-ba u sheegaynaa Madaxda ka jirta Koonfurta ee uu Xasan Sheekh Maxamuud Kow ka yahay, waa dad ka ganacsada dhiiga bini’aadamka muslimka, maalin walba danbiilihii iyo mujrimkii ayaa la sii dayaa, mid ahaan waxba geysanina waa lagu khasbaa inuu qirto.”Ayuu yidhi Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed

HALKAN HOOSE KA DAAWO