Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweysay Tallaabada Maraykanku Ciidamadiisa Kagala Baxayo Soomaaliya

Hargeysa(Hayaannews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweysay tallaabada Dawladda Maraykanku ay  Ciidamadeeda kagala baxayso Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuryadda Somaliland oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA, soo turjuntay, kaasi oo u qornaa sidan:-

“Go’aanka ay Dawladda Maraykanku ay ciidammadeeda kagala baxayso Soomaaliya, waxa ay farriin adag u tahay Dawladdaha Gobolka Geeska Afrika inay ku filaadaan ammaanka dalalkooda.

Waxa kaloo Warmurtiyeedkaas lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naaloonaysay Madax-bannaani Soddonkii Sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysatay Dawladnimo dimuqraadi ah oo buuxisay Shuruudihii dawladnimo looga baahnaa isla markaana ay leedahay Ciidamadii Ammaanka, Hay’adihii qaabilsanaa isku-xukunka sharciga iyo kuwii Caddaaladda.

Warmurtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay dhulkeeda iyo baddeedaba ka hirtay Argagixisada iyo budhcad baddeeda, iyadoo baddaha Somaliland ay mari karaan maraakiibta Maraykanka iyo kuwa caalamiga ahiba.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay iftiimisay in Xukuumadda Somaliland  ay  soo dhaweynayso fursada  lagu sii xoojin karo iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan taabogelinta Dimuqraadiyadda, Kor u qaadista Suuqa Xorta ah ee Dhaqaalaha iyo ilaalinta halisaha ka dhanka ah Mandaqada.”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com