Afghanistantu Waa Dad Noocma Ah?

Waxaan  ku noola dalka Pakistan muddo 6 sanno ku siman oo aan arday ka ahaa, intaan koonka/adduunyada ku noola ee aan ummado kala duwan arkaayay lana dhaqmay, Muslim iyo gaal, laba dal dadkood ma arag ummado ka fiican, ka akhlaaq wanaagsan, ka naxariis badan, kana geesisan.

  1. Qoomiyadda Pushtun ka Afghanistan

Qoomiyadda Pushtunka loo yaqaano waa qoomiyadda 50% ah dadka ku nool dalka Afghanistan, sidoo kale 15% ayey ka noqonayaan dalka Pakistan qoomiyadda Pushtunku.

Magaalada Karachi oo ah magaalada ugu weyn dalka Pakistan, cidhifkeeda bari oo aan ku noola muddada 6 da sannadood ah waxaa u badan dadka ku nool qoomiyadda Pushtunka.

Noloshayda intaan jiray ma arag qoomiyad ka naxariis badan, ka diin jacayl badan, ka adkaysi badan, ka cibaado iyo taqwad badan ka samir badan, kana geesisan.

Sannadkii 2002 dii, ayaa anagoo arday ah, waxaanu guri kiro ah ka raadinay magaalada Karachi, waxaanu ahayn seddex dhalinyar ah oo reer Hargeysa ah, guri kasta oo aanu kiraysta is nidhaahno waxaa na diida jaarka, Pakistantu waa dad dhaqan adag, oo hablahooda aad u ilaaliya, ma jecla inay daris la noqdaan wiilal ama niman aan xaas ahayn, baqasho ay u baqayaan hablahooda dartood.

10 maalmood, markaanu meel walba maray, ayaanu tagnay xaafad la yidhaahdo Gulistan-E-Johar oo dadka magaalada Karachi kala yaqaana way garanayaan eh, waxay ku taalla meel aan ka fogayn madaarka weyn Quaid Azim International Airport, xaafadda 80% waxaa degen qoomiyadda Pushtunka, ma jirin taariikh ahaan xaafadda cid Afrikaan ah oo muslim ah nagaga horaysay deegaan ahaan xaafadda.

Markii aanu tagnay xafiiskii guri kiraynta, ayaa ninkii guriga naga kiraynaayay wuxuu nagu yidhi “sidaad ogtahiin Pakistantu ma jecla inay jaar la noqdaan dhalinyar sidiinan oo kale ah oo niman ah oo aan xaas lahayn, laakiin xaafadan waxaa u badan Pushtun waxay leeyahiin dhaqan dadka Muslimiinta ah soo dhaweeya, waxaan idiin gaynaya odayga ugu sareeya xaafadda, waxay leeyahiin Loya Jirga wax la yidhaahdo”

Dabadeed wuu na kaxeeyay wakhti sallaaddii Duhur ah, masaajidka ayaanu sallaadii tagnay, markaanu sallaadii ka baxnay, ayuu noogu yeedhay meel masaajidka ka danbaysa, waxaa fadhiya oday aan da’diisa ku qiyaasay ilaa 75 sanno oo gadh weyn oo xino lagu caseeyay, oo duubka dhaqanka Pushtunka xidhan, waxaa hareero fadhiya odayaal kale, waanu sallaanay, ka dib ninkii na waday ee xafiiska guryo kiraynta ayaa nooga waramay cidaanu nahay, kelmad qudha ayuunbu weydiiyay ninkii na waday “waar nimankani Muslimiin ma yahiin” iyo “haa waa niman Muslimiin ah oo Soomaali ah” intuu kacay, ayuu seddexdayadiiba labada dhaban iyo madaxa ka dhunkaday.

Intuu isagii eegay ayuu ku yidhi “usoo kiree gurigay rabaan, caawana aniga ayey i marti yahiin oo sooryaynaya” gurigiisii ayuu na geeyay, reerkiisii oo ay wiilashiisu joogan oo aanu qaar isku da’ ahayn ayuu iskaya baray, nooc walba ka soo cunay, wuxuu nagula dardaarmay cabsida Allah iyo inaanu cibaadada Allah joogtayno.

Maalintii aanu guriga soo gallay, qoys kasta oo nala jaar ah wuxuu guriga noogu keenay cunto, macmacaan, sharaab, gogol, soo dhawayn ayaa cir iyo dhul nalaga qaaday.

Waxaanan weligay iloobin dukaanada markaanu wax ka soo iibsanayno, waxay nagu odhan jireen maadama aad arday tahiin waxba ha qadimina lacagta eh, sii qaata, mar alla iyo markaad lacag heshaan uun iska bixiya, haddaanu shay ka iibsano, waxbay noogu dari jireen.

Maalintan Karachi ka soo ambabaxaayay indhahayga ilmo ka timid, weligay wanaag aanan dad ama qoomiyad kale ku arag, xita kuwaanu ka dhalanayna ku dhaho ayaan ku arkay.

Pushtunku waa nimanka Talibanka u badan yahiin, inanka yar ee Pushtunka ah marku da’da 7 jir gaadho waxaa la bara qiimaha wanaagu leeyahay, soo dhawaynta iyo Nusrada, waxaa jirta Maah maah ay leeyahiin oo tidhaahda “xabada rasaasta ah ha ka gaban eh, ee waa inay iyadu ka gabata, laakiin sharafta walaalka weynayntiisa waa inaad u gargaarta”

Afghanistan tu waa dadka ugu cunto macaan mandaqadda Koonfurta Aasiya, bariiska ay sameeyan ee loo yaqaano “Afghan Rice” macankiisa waad is goosanaysa, markaad cunayso inaad keeg la dubay cunayso iyo inaad bariis cunayso kala garan maysid, noloshooda oo dhan waxay ku salaysantahay Sunahii Nebigeena Suuban CSW xita biyaha marka la cabayo waa inaad la fadhiisata.

Waxaan maqlaya waaba hadday dhab tahay oo ay jirto eh, in dad  Afghan ah oo maraykanku ka soo qaaday Afghanistan ay dawladda maraykanku ka codsatay Somaliland inay si ku meel gaadh ah loogu hayo ama loo dejiyo Somaliland inta maraykanku dibu dejin loogu samaynayo.

Waxaan ka codsanaya xukuumad iyo shacaba inaynu dadka walaalaheen ah soo dhawayno, waa nasab, dadkaasi kun jeer ayey Carab iyo Cajalba ka fiicanyahiin.

Qoomiyadda labaad ee ugu fiicana  qormo kale ayaan ka qori

Wa bilaahi tawfiiq

Qorre: Mohamed Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com