Sida Aad U joogto Ayaad is Arkaysaa Adiga Oo Noloshii Dhex Quusay!

Mashquulkaagii baa batay. Asxaabtaadii baa yaraatay. Jaanisyadii aad ehelada ku booqan jirtay baa is dhimay. Waadigan noloshaadii maalinlaha ahayd dhinacna u dhaafi la’. Waad iska daba wareegaysaa. Noloshii waxay kaaga soo koobantay: seexo, cibaadayso, shaqo tag, baraha bulshada yar eeg, marmar yar bax, qoyska waqti la qaado, seexo.

Meeday yoolashii aad is lahayd rummee markaad jaamacadda dhammayso? Maye waddamadii aad jeclayd in aad mar uun booqato? Maye fikradihii ganacsi ee aad dhawr sanno ka hor asxaabtaada la wadaagi jirtay? Mee jimicsigii aad is lahayd bilaw sannadka cusub? Mee barnaamijkii aad is lahayd ka qaybgal? Mee kooraskii yaraa ee aad is lahayd bilaw? Mee reerkii aad is lahayd yagleel?

Meeday shaqadii cusbayd ee aad aragtay ee aad is lahayd xaree? Mee baasaboorkii kaa dhacsanaa ee aad is lahayd soo cusboonaysiiso? Mee dhulkii aad is lahayd iibso 2024? Meeday lacagtii aad is lahayd uruurso si aad kayd dhaqaale u hesho? Mee af Ingiriisigii aad is lahayd kordhi aqoontiisa? Meeday deeqdii waxbarasho ee aad is lahayd xaree? Mee akhriskii aad is lahayd kordhi?

Mee ballanqaadkii aad naftaada la gashay ee ahaa in aad isticmaalka baraha bulshada yarayso oo waqtigaaga ka faa’idaysato? Meeday sunnayaashii aad go’aansatay in aad joogtayso? Bishii afaraad baa lagu jiraaye maxaa kaaga qabsoomay yool sannadeedkii aan bishii Jeenawari meel ku qoratay? Mise maalintii kadib maad furin?

Mee… meee… bal yar fadhiiso oo is waydii ka hor inta aanad si dhab u wada quusin badweynta nolosha maalinlaha ah!

Qalinkii Muuna Axmed Cumar