Gudniinka Qalinkii Ibraahin-Hawd Yuusuf

Erayga gudniin iyo ku dhaqankiisu ka mid ma aha kuwa Carabida ah ee Islaamka inoo soo raacay, waana Soomali dhalad ah. Carabtu wax ay u taqaan khitaan. Sida aynnu aragno eraygu wax uu jirrid la wadaagaa ’gudid’ oo ah in qaan la is ka bixiyo. Waa halka uu ka yimid ”abaalgud”. Haddaba waa maxay qaanta ilmaha la gu lee yahay ee la ga gudayaa?

Maalin dhowayd wax aynnu ka yara sheekaynnay dhaqanka sadqada ama udxada ama qurbaanka oo ah dheef ama wax kale oo ilaahyada la rumaysan yahay la siiyo. Wax aynnu sheegnay dhaqankaa in salkiisu ku arooro garashadii dadkii hore ee rumaysnaa ilaahyo u baahan in dhiig loo daadiyo ama wax kale loo sadqeeyo si ay raalli u noqdaan oo samaha la doonayo loo ga helo xumaha la neceb yahayna joojintiisa loo magansado. Haddaba wax ay u badan tahay gudniinku in uu ka soo jeedo fikirka diineed ee heerkaa ahaa, in kasta oo aanan arag aqoon taa ii xaqiijisa. Waxaa la og yahay dadka haysta diinta Hinduuska in uu ku jiro dhaqanka ah in ragga qaar is dhufaanaan, taas oo ka ah cibaadaysi iyo u dhowaanshaha ilaahayda ay rumaysan yihiin. Kolkaa waxaa la ga yaabaa gudniinka aynnu maanta naqaan in uu yahay dhufaaniddaas oo la soo fududeeyay.

Haddaba gudniinka Af Soomaaliga ahi wax uu noqon karaa wax Islaamka ka horreeyay, oo cadkaa yar ee xubinta muhiimka ah la ga jarayo iyo dhiigga ka imanaya loo sadqaynayo Waaq, Ayna iyo waxii kale ee la rumaysnaa, si ay ilmaha u ga raalli noqdaan oo noloshiisa u dhawraan oo u barakeeyaan. Shakina ku ma jiro Soomaalidii hore arrintan in ay ka la mid ahayd Masaaridii hore, diintoodu haba ka la duwanaatee.

Diinta iyo rumaynta ilaahaydu waa wax dhammaan bulshooyinka dunida si ka la madaxbannaan u ga dhex bilowday boqollaal kun oo sano hortood. Haddaba gudniinku waa wax ka mid ah diimaha qaarkood ee diimaha oo dhan ku ma jiro. Tusaale ahaan la ga ma yaqaan bulshooyinka haysta diimaha Hinduuska, Buudista iyo Konfuushiga. Sidoo kale ma aha wax ay yaqaanneen bulshooyinkii dhaladka ahaa ee ku dhaqnaa labada qaaradood ee Ameerika. Qaaradda Yurub oo dhan iyadana dhaqankani ka ma jirin. Waxaa se kumannaan sannadood la ga yaqaannay Galbeedka Aasiya iyo Afrika inteeda badan. Waxaa se jira gudniin qaab gooni ah oo ay lahayd bulshada asalka u leh qaaradda Ustaraaliya, kaas oo ah in xubinta ragga qudheeda hoosta la ga dillaaciyo. Gudniinka aynnu naqaan, labka iyo dheddiggaba, waxaa loo badaniyaa in uu ka bilowday Masar. U gu yaraan waxaa la hayaa muumiyado (maydqalfoofyo)

Masaari ah oo 5000 oo sano hortood gudnaa. Waxaa kale oo la hayaa derbi-xaradho badan oo muujinaya niman la gudayo. Giriiggii hore iyaguna aad bay u ga sheekeeyeen gudniinkii Masaarida, ka ragga iyo ka dumarkaba, iyo dadyoy kale oo Bariga Dhexe ku nooli oo iyaga ka qaatay dhawr qarni Ciise hortii. Haddii se Masaarida qudhoodu dhaqankan meel kale ka keeneen wax ay u badan tahay in ay tahay is la qaaradda Afrika. Sidee?

Sheekaxariiro aad u fac weyn oo Afrikada Galbeed la ga haystaa wax ay u dhigan tahay sidan:

”Waxaa jiray laba nin oo walaalo ah. Wax ay wada disheen ugaadh aad u hilib macaan. Wax ay is la garteen hilibkaa in ay ilaahooda u sadqeeyaan. Kolkii ay ducadii dhammaysteen wax ay wadaageen hilibkii macaanaa, waana ay ka la boobeen, haddana u legdameen. Dabadeed midkood baa balagta/baajada la ga dhaawacay. Dhakhtarkii loo geeyay kolkii uu dabiibi lahaa wax uu kale oo xukumay in ninka kalena ganaax ahaan balagta la ga jaro. Sidii baa la yeelay. Labadii nin kolkii ay bogsadeen dumarkii ay la kulmeen oo dhami wax shaaciyeen labadan nin ee gudani in ay ragga kale ka galmo macaan yihiin. Dabadeed raggii qabiilka oo dhami hinaasihii bay is wada gudeen. Kaas buu ahaa gudniinkii dunida oo dhan u gu horreeyay”.

Diinta Yuhuudda waxaa ku qoran gudniinka in uu bilaabay awowga ay sheegtaan in ay ku abtirsadaan ee Ibraahin. Isaga oo jira 99 gu Ilaahay baa la galay heshiis ah in uu is gudo, wiilasha isaga ka tafiirmaana is gudaan, taana uu Alle Ibraahin u gu beddelayo in uu dhaxalsiiyo dhulka Kancaan oo dhan. Dabadeed Ibraahin faash buu soo qaatay oo balagtii buu is ka jaray, sidaas buuna gudniinku shareecada Yuhuudda ka ga mid noqday, oo waa kuwaa ilaa maantaa wada. Taa wax ay sameeyaan dharaarta wiilku toddobabaxo. Iyagu dumarkooda ma gudaan. Masiixiga oo ay diintooda ta Yuhuuddu qayb ka tahay iyaga Injiilahooda waxaa u gu qoran in aanay gudniin u baahnayn oo la ga ga xilfurtay gudniinkii Ciise iyo salbintiisii. Se qolada mad’habta Borotestaanka haysata oo dhaqankani Ingiriiska ka soo galay Afrika wuu ku dhex faafay oo ilaa Maraykanka aad baa la isu gudaa. Waxaa kale oo is guda Qibdiga Masar, kuwaas oo dhaqankoodii Faraacinada Masiixiyeeyay.

Muslinku iyagu wax ay isu gudaan si ku taxan Diinta Yuhuudda, oo mar haddii la yidhi Nebi Ibraahin baa idiin ah tusaale wanaagsan, is la markaa la sheegay in uu gudnaa, muslinku si dabiici ah wax ay u qaateen in la is gudo. Laakiin ma jirto aayad keliya oo Quraan ah oo arrintaa muslinka ka la hadashay sidoodaba, in ay farto is ka daaye. Waxaa se jira xadiis qudhiisa khilaaf badani ku jiro. Taa is kaba daa ee xitaa waxaa doodi ka taagan tahay Rasuulka scw in la guday iyo haddii la guday cidda gudday, saddex muran baana la is la hor fadhiyaa. Qolo wax ay qabtaa Rasuulka in awowgii Cabdimuddalib guday, qolo kale wax ay qabaan in Malag Jibriil guday, qolo saddexaadna in uu gudnaan ku dhashay (abuur ahaan wiilal badan baa gudnaan ama buuryo la’aan ku dhasha). Taa waxaa dheer in aan weli taariikhdii hore ee Islaamka la gu arag la guna maqal nin ama qolo soo muslintay oo la guday, marnaba iyo meelnaba. Waxaa kale oo jirta qiso Towraadda ku jirta oo dadka Carabta ku sifaysay ”dad aan gudnayn”, taas oo macnaynaysa Carabtii hore in aanay dhaqankan lahaan jirin. Afartaa xaqiiqo ee ah in aan arrinkan Quraanka la gu soo hadalqaadin, in aan xaaladda Rasuulka scw la is la hubin oo la is ku khilaafay, in aan weligeed taariikhda Islaamku ka hadlin rag soo muslimay gudistooda, iyo in Towraaddu Carabta ku sheegtay dad aan gudnayn, wax ay keentay in dad badani u arkaan in aanu sidiisaba ka mid ahayn Shareecada Islaamka. Haddii se la ga dhabeeyo xadiiska uu Rasuulku scw ku sheegay gudniinku in uu ka mid yahay shanta waxyaalood ee dadka u ah fidrada (dabciga), oo ka la ah xiirista shaarubaha, xiirista gadhyarta (tinta yar ee faruurta ka hoos baxda), rifidda tinta kilkisha, jaridda ciddiyaha, xiiridda bisqinta iyo gudniinka, ma waajib baa mise waa sunne? Saddex jawaabood bay culimadu su’aashaa ka bixiyeen qodobka gudniinka ku saabsan. Qaar wax ay yidhaahdeen labka iyo dheddiggaba waa ku waajib. Qaar kale wax ay qabaan labka waa ku waajib dheddiggana sunne. Qolo saddexaadna wax ay la tahay labadaba waa ku sunne.

Si walba, dad badani gudniinka ragga wax ay u sababeeyaan nadaafad. Laakiin dhakhaatiirtu is ku ma raacsana waxtarka iyo waxtar la’aanta caafimaad. Dhanka kale, gudniinka haweenka ma jirto wax aan dhaqan ahayn oo loo sababayn karaa. Weliba gudniinka Fircooniga loo yaqaan waa bahalnimo iyo silic nololeed oo aan loo heli karin haba yaraato ee wax marmarsiinyo ah. Dhaqan Fircoonigan in kasta oo loo celiyo Masaaridii hore haddana la ma hayo wax raadad taariikheed iyo sawirro ah oo ay ka tageen, taana waxaa la gu macneeyay Masaaridii hore in ay ceeb u yaqaanneen dumar qaawan in la sawiro, halka ay ragga caadi u arkayeen.

Qalinkii Ibraahin-Hawd Yuusuf

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland