Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya
magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u
dirayaa, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka,
aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda
Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin
Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday maanta
oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku
sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta
shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.