Mama Teresa Ma Maqasheen? Qalinkii: Sheekh Cabdirisaaq RAKUUB

Mama Teresa (1910–1997) waxay ahayd diin-faafiso ku soo gabbanjirtay samafalka. Waxay aasaastay urur diineed hoosyimaadda Kaatoligga Roma. Ururkeeda waxa ka hawlgeli jiray afar kun iyo shan boqol oo macallin oo boqol iyo saddex iyo soddon waddan kala joogay. Ururkeedu wuxu ku foogganaa caafimaadka, la talinta carruurta iyo qoysaska, taakulaynta danyarta iyo agoomaha iyo gacan ku haynta goobaha waxbarashada.

Teresa waxay degtay magaalada Kolkata ee Hindiya, waxay qabatay hawl ku adkaatay Ingiriiskii gumaysan jiray oo ah in dadka reer Hindiya la Kiristaameeyo. Dadka reer Hindiya waa dad ku adag diintooda Hinduusamka, laakiin Teresa hoosaasinteedii waxay sababtay in maanta bulshada Kiristaanka Hindiya gaadho  2.3, iyada oo ay horteed ka yarayd 0.1.

Mama Teresa waa lagu maamuusay hawshaa weyn ee ay qabatay waxaanay ku mutaysatay abaalmarinta nabadda Noble Prize, midda Nabon Magasay iyo kuwa badan oo xaqiiqadu tahay in loo weyneeyey guulaha diin-faafineed ee qaaradda Aasiya ay ka wadday gaar ahaan Hindiya.

Doodaha ay ku dhex abuurtay reer Hindiya kolka laga yimaaddo diin-faafinta waxay ahayd  aragtideeda ilmo iska soo ridka iyo ka hortagga uurka oo ay aaminsanayd yaraynta dhalmada. Waxay ahayd doodihii iyo murannadii ugu cuslaa ee ay gashay nolosheeda arrintani, laakiin waxay kaga tagtay dood dhextaalla ilaa maanta Hindida.

Mother Teresa University,  waxay ku taalla Tamil Nadu, Koonfurta Hindiya. Jaamacadan ujeedadeedu waxay tahay sare-u-qaadidda tacliinta iyo horumarinta hablaha. Waxay kormeertaa oo bixisaa adeegyo la -talin iyo cilmi -baadhid ku saabsan Daraasaadka Haweenka. Layaabka jaamacaddu wuxuu ahaa intaan wadaaddada Hinduusamku kicin in hablihii jaamacadda galay in ay soo qalinjabiyeen iyaga oo Kaatolig ah.

Mama Teresa waxan ku keenay doodda jaamacadda Barwaaqo e’ Joy Isa waxa dul taagan iswaydiinno waaweyn, oo ay tahay in ay ka jawaabto Wasaaradda Waxbarashadu. Madaxweyne Muuse, oo u dhaartay ilaalinta diinta Islaamka, waxa u yaalla ka falcelinta arrintan.

Sheekh Cabdirisaaq RAKUUB

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com