Hargeysa(Hayaannews)-Maamulka Abaarso Network, ayaa markii u horraysay ka hadlay eedo loo jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Hablaha ee Barwaaqo Ms. Joe Isa, oo lagu eedeeyey inay ardayda kala hadashay arrimo la xidhiidha diinta Kiristaanka ee ay haysato.
War-saxaafadeed ay soo saareen Agaasimaha Fulinta ee Abaarso Network, Robert Kaufman iyo Wakiilka sare ee Abaarso Network, Hary Lee, ayaa lagu sheegay inay mamnuuc ka tahay in macalimiintoodu ay waxyaabaha ay aaminsan yihiin kala hadlaan ardayda.
Warmurtiyeedkaas oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuu u qornaa sidan:-
“Abaarso Network, waxay sheegeen inay muddo 12 sannadood ah ay waxbarasho heerkeedu sarrayso ay ka taabogeliyeen Somaliland, isla markaana Hoggaamiyeyaasha iyo Macalimiintoodu ay ka caawiyeen mutacalimiinta soo koraysa ee Somaliland inay helaan deeqo waxbarasho oo ay dalka dibadiisa ku soo qaataan oo ku baxday $37 Milyan oo Doolar.
Waxa kaloo ay tilmaameen in muddadii ay jireen ay qaateen macalimiin shisheeye ah oo si joogto ah u caddeeyey inay xushmad u hayaan dhaqanka reer Somaliland iyo diinta Islaamkaba.
Maamulka Abaarso Network, waxa ay intaas ku dareen in dhammaan shaqaalahooda ay ka saxeexeen waxyaabihii looga baahnaa heshiisyadooda iyo xeerka Anshaxa oo ka mamnuucayey hawlwadeennada Abaarso inay kala hadlaan ardayda ay waxbarayaan waxyaabaha ay aaminsan yihiin, cidii ku guuldaraysata nidaamkaasna ay ku khasbanaayeen inay si degdeg ah uga saaraan shaqada.
Warmuriyeedka Abaarso Network waxa kaloo lagu sheegay inay adduunka ka raadiyeen aqoonyahannada ugu wanaagsan caalamka, si loo dhiso iskuulka Abaarso isla markaana loo saacido hibada da’yarta.
Waxa ay intaas ku dareen in Mrs. Joe Isa ay tahay Guddoomiyaha Abaarso Network u qaabilsan Jaamacadda Barwaaqo, waana aqoonyahanad xeel-dheer oo waxbaraysay arday, isla markaana maamulaysay macallimiin muddo 27 Sannadood ah, waxaanay tilmaameen in si la mid shaqaalahooda kale oo dhan haweenaydaas laga rabo inay si adag u fuliso in waxyaabaha ay aaminsan tahay aanay kala hadal ardayda, hase ahaatee haddii ay xeerkaas jabin lahayd ay la kulmi lahayd inay si degdeg ah looga eryo Abaarso Network.
Abaarso Network, waxay dhawaan ku aragtay baraha bulshada Mrs. Joe Isa, oo adeegyo arrimo diineed la xidhiidha kaga qaybgashay dalka Nigeria, xiligaasi oo ahaa ka hor intii aan laga hawlgelin Abaarso Network.”
War-saxaafadeedka Abaarso Network, waxa lagu xaqiijiyey inay haweenaydaas Joe Isa ay ku kalsoon yihiin maamulka iyo ardayduba in aanay jabin heshiiskii iyo anshixii laga doonayey, oo ay Somaliland u joogto si ardayda Somaliland u helaan fursado waxbarasho layaab leh oo waxtarta horumarka Somaliland.
Abaarso Network, waxa ay iftiimiyeen in Wakiillo ka socda Xukuumadda Somaliland ay marar kala duwan booqasho ku tageen dugsigaas, oo ay Abaarso Network soo dhaweynayso in Wasiirrada Waxbarashada iyo diintu ay toos ula hadlaan ardayda, hawlwadeennada iyo qoysaska, si ay u xaqiijiyaan Haweenayda Ms. Isa ay kala hadashay ardayda diinta ay aaminsan tahay muddadii ay ku sugnayd Somaliland.
Ugu dambayn, waxa warmurtiyeedka Abaarso Network lagu sheegay inay ku kalsoon yihiin in xubno ka socda Wasaaradaha ay khusaysaa ay xaqiijiyaan sida dugsigaasi u meelmariyey nidaamkii anshaxa, dhaqanka iyo diinta ee u dejisnaa oo ay hubiyaan sannad dugsiyeed kasta.
Waxa kaloo ay balanqaadeen inay sii wadayaan inay ka shaqeeyaan sidii da’yarta Somaliland u heli lahayd waxbarasho dheeraad ah.”
Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com