Nasteexaynta, ka Dayawga Xaqa iyo Hagayaashooda. Qalinkii: Axmed Cali Kahin Qeybtii 1aad.

Nasteexaynta, ka Dayawga Xaqa iyo Hagayaashooda. Qalinkii Axmed Cali Kahin

Intaynaan u galin ciday yihiin ugu horayn yaa weeray hore iyo dambaysa rasuulka ama hadalkiisa ama ficilkiisa ama wanaaga laga wariyay ee isku huwan qowl iyo ficil uu sameeyay oo samaha u adeegaya kana soo burqanay isha wanaaga iyo samata bixinta baahana adoomaha aduunyada jooga.

Dhamaan gaalo iyo islaam ama dadka taariikhda qora kana ilaaliyaa eek u xeeran badanaana dadka qoraalkooda ka hbaabiya ambadka iyo dayawgaasi oo keena in uu ka indho saabo dhamaan xaqiiqaha la isla yaqaan dhaqan ahaan iyo dadnimo ama diin ahaan kuwaasi oo ah salka iyo faraca doodkasta. Marka laga fogaado kuwa afkooda iyo uur’koodu kala jaadka yahay ama kala duwan yahay.

Haddaba kuwaasi oo dabnahooda waxa kasoo burqanaya iyo waxa ku hilan quluubtooda hoose oo ah dareen dawaygaa dabnaha diidan, dareemayana gocosho iyo dareen hoose oo ku talaalan abuurkii iyo balankii Allaah ka qaadan intii aan jidhka lagu rakibin nafta.

Taasi oo dhamaan uumi’yaha, noolaha ama wax kas too la abuuray ku dhawaaqeen haddaaq Rabaabiya oo markhaati iyo marag kac wayn ahaa in Allaah Rabigood yahay. Haddaba goormay daba roganka iyo dafiraada wayni tihim iyo siday ugu milantay dadka dhamaan dhinac’yadooda kala duwan.

Dareenkooda, fikirkooda iyo dhamaan waxyaabaha saameeyo qorin balse kaliya wariyay dhacdooyinka taariikhda siday is ku waddo iyo wax kasta oo  dhacay intii aadme noolaa wuxuu ku midaysan yahay kuna kulan sanyahay in dhacdooyin ka aduunyada soo maray ahaayeen qaar cidiba si u turjumatay basle marna la iskuma qabsan.

Haddaba kuwa kuwa dhex dayoobay nuurka iyo iftiin wax’yiga samaawiga, iyo xikmadaha iyo fasiraada quraanka lasoo raaciyay, lagu soo diray amarka quraanka iyo quraacida hab-dhaqanka aadamaha.

Nasteexaynta, ka Dayawga Xaqa iyo Hagayaashooda. Qalinkii Axmed Cali Kahin

Sit taa loo helo waa in la hufo ama la haadiyo  si looga tiro dhamaan wax yeelooyin ka aadamaha ka soo fula dhaqankiisa ama kasoo butaaca hab-maarayntiisa, ama sida uu ula fal-galo, tacaalo dhacdooyin’ka kuwaasi oo ay sabab u tahay sunaha ku xeeran oo ah socodka wakhtiga iyo  gad’gadoon ka maalin laha, kuwaasi oo saamayn togan ama taban ku leh sidaad u waajahayso ama uga jawaabayso kuna xidhan hadba xadhiga kuu xidhan xaga aaminaadaada oo laga dheehan karo qaababka aad u waajahdo lagana akhrisan karo wax-soosaar kaaga odhaaheed iyo adimeed oon ula jeedno afkaaga iyo adinkaagu sida ay uga jawaabaan dhacdooyinka la xidhiidha qeexida Quraanka iyo dhaxalka suubanihii kaasi o jawaabta waafiga ahi tahay kolba halkaad dhigo hadalka Rabbi Subxaana iyo Qawlka Rasuulka Salaan sare iyo nabad galyo korhiisa ha ahaa tee kaasi oo ahaa “Mudankii uun ka iyo Udgoonihii aadmiga hore iyo dambaysaba ahaa sayidkii loo diray dhamaan sanku neefle Salaaahu Calayshi Wasalm.”  Idamka Allaah waxa xigi doona Q/2aad.     

Qalinkii: Axmed Cali Kahin.             

Email: aakaahin@yahoo.com

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland