Ololaha Muuse Ee Midaynta ‘ISAAQ’, iyo jactadka Wasiir Kaahin Ee LAASCAANOOD!

Waa tii mashaqo ka dhacday Laascaanood ee dadkii rayidka ahaa kibirka loo laayay, iyaka oo ka cabanaaya amni darada magaaladooda. Shantii maalmood ee u dambeeyay sanaddkii galbaday ee 2022, wax aad u xun, oo si walba loo ga fursan karaayay ayaa meeshaas ka dhacay. Saxaafadda caalamka aad waxa u gu baahay dad rayid ah, oo iyaka oo xabadaha ka sii cararaaya dhabarka la ga toogtay. Muuqaal la mid ah amma kaba sii foolxun kii Hargeysa ee August 2022 ayuu ahaa. Maalmihii waxaasi dhacaayeen, Muuse ma ka hadlin, saxafadda na waxa la ga arkay isaga oo ciyaal yaryar dhex cararaaya, oo aad u faraxsan, oo ‘Aabbo-aabbo’, ay ku dhawaaqayaan. Ciyaal sidaas u badan oo bilaa aabbo ahi in ay Hargeysa joogaan ma moodayn.

Geesta kale, Wasiir Kaahin oo waajibkiisu amniga yahay, ayaa maalimihii dilku socday saxaafadda la ga arkaayay isaga oo si bilaa dhiillo ah deegaamada jifadiisa u booqanaaya, oo ku foogan hawlaha diiwaan-gelinta, taas oo aan shaqadiisa ahayn. Sababta dadka halkaas ku dimanaayay aanay labadoodu waxba u ga qaban, wax na u ga odhan maalmahaas oo dhan wa mid uun – Muuse waxa uu isu arkaa, marka uu u gu fogaado, nin Isaaq ah iyo inta ka sii hoosaysa, Kaahin na sidaas oo kale, dadkaas na waxa ay u arkaan Dhulbahante. Runtu taas weeye, xataa hadii aan si cad loo odhan. Dilkaas oo ka dhacaaya Gebiley amma Burco, shaki la’aan sidaas si ka duwan ayay u maamuli lahaayeen.

Al-muhim, tobaneeyo maalmood ka dib, oo arrintii weji kale yeelatay, ayay Muuse iyo Kaahin ambabareen, laakiin talo wacan ma qaadan. Dawga aada Boorama, ku ma geeyo daafeed, in uu Gaarriye yidhi ayay ilaaween. Cudurka Fardaha, dameeraha la ga ma gubo maahmaahdii ahayd na waa ilaaween. Wasiir Kaahin iyo koox badan oo la socota ayaa Laascaanood tegay, laakiin wax qorshe ah la ma tegin. Garaadkii keliya ee beesha Dhulbahante Hargeysa ka joogay iyo GudoomiyeKhaliif oo Baarlamaanka jooga, Muuse iyo Kaahin baa is ka garab maray, waxaanay kaxaysteen Indho-indho iyo Koore. Ergadii Kaahin odayga u ahaa beeshii Dhulbahante waxba waa marsiin waayeen, qaladka na iyaka ayaa leh- wax rag loo la tago iyo wax rag la gu la hadlo toona ma ku kicin.

Si kastaba, Wasiir Kaahin haatan bil-ku-dhawaad buu Laaskii fadhiyaa, Meesha na jactad iyo caajis baa ku dilay. Hotel Casuura la gu magacaabo ayuu joogaa – maya ee run ahaan wuu is ka joogaa. Halkaas buu ka sheekaynayaa oo ‘inaantooy’ da ka hayaa, wax uu Dhulbahante u sheego iyo wax uu Muuse ku la soo noqdo midkoodna ma hayo. Dhawaan Muuse ayaa ka dalbaday in uu sheego in ay dawlad ahaan ogolaadeen shirka beesha Dhulbahante in uu Laascaanood ka qabsoomo, runtii na hadal taagwaa oo yaqyaqsi leh buu ahaa.

Iyada oo taas la ga yaabbanyahay, ayuu dhawaan Janaraal Taani hadlay oo ka sii daray. Baabuurtii ciidan-beeleedka Dhulbahante ay wattteen, ee calanka buluugga ahi ku sharaxnaa, ayuu ku sheegay baabuurtii ciidanka Somaliland oo ergooyinka soo dhawaynaysa. Sheeko is-daad-raacin ah oo Muuse soo hal-abuuray ayay ahayd, laakiin si qaab daran ayay labaduba u dhaceen. Hawlaha Laascaanood ka socda haddii aydaan joojin karayn, is ka dhiga in aad raali ka tihiin ayay ka ahayd, laakiin waxaasi siyaasad ma aha ee waa sheeko-caruureed, hadii si kale loo yidhaado na, waa Sheeko-Muuse!

Eeg, kaadhka u culus ee uu Kaahin beesha Dhulbahante hor dhigay, sidii ay Muuse is ku ogaayeen, waxa uu ahaa ciidanka magalada waan ka saarayaa, labadii nin e dilay ninkii Jaadka Jabuutaawi maamulaayay na, waan idiin soo dhiibayaa. Labadaas talaabo ma ahayn kuwo heshiis qayb ka ah ee waxa ay ahaayeen talaabooyin gogolxaadh u ah wadahadal micno leh, laakiin waxba ka ma socon. Ciidankii waa la saaray, laakiin nimankii dilka geystay la ma soo dhiibin. Muuse aad buu Kaahin u gu cadaadiyay in uu nimankaas oo labaduba H/jeclo ahayeen dhiibo, Kaahin na wuu aqbalay, laakiin sarakiil iyo ciidanba wixii beeshaas ka joogay Laascaanood ayaa Kaahin ka hor yimid.

Kaahin si beelaysan baa loo la garramay. Nimankan dhiibi maysid, haddii aad ku adkaysato na, ciidanka ba waanu ka dhaqaaqaynaa ayay ku yidhaahdeen Kaahin. Raggii shicibka kale laayay ba waa is ka joogaan ee ma labadan nin baa wax gooni ah sameeyay? Ayay ku yidhaahdeen. Markii sidaas xaal noqday, Kaahin iyo Biixi ba is ku daygaas faraha ayay ka qadeen. Eeg, amuurtu ba waxa ay ku sinnayd in cid kasta oo qof rayid ah oo aan hubaysnayn xabad ku furtay, maxkamad iyo sharci degdeg loo hor geeyo, abaalkood na la mariyo. Taas baa nabad iyo is faham ba muftaax u noqon lahayd, ma se doonayaan waxaas. Dhaqan dawladnimo Meesha nimanku ma ku hayaan, dadku na doqomo ma aha ee waa loo jeedaa. Dhulbahante ma xawayaan baa? Xaasha!

Is ku soo wada duub, ninkii Kaahin Laascaanood waxba ma ku hayo, wax na ka ma soo wado, xataa haddii uu nimankaas wax la gaadho na, Muuse ayan qaadanayn. Geesta kale, Muuse Hargeysa waxa uu ka wadaa dadaal raqiis ah oo odhanaaya Isaaq ha midoobo. Odayaashii dhaqanka iyo ganacsatadii intoodii uu waxaas ka la hadlay waa ku gacan saydheen. Xataa Madaxtooyada in ay u gu tagaan ayay ka diideen, waana markii u horaysay ee Madaxweyne xilka haya odayaashu diidaan in ay u tagaan marka uu u yeedho. Sababtu wax kale ma aha ee waa natiijada midhihii uu beertay – shan sanno ayuu qof kasta oo micno leh ba ka shaqeeyay in uu micno tiro oo uu afka tagaayay, imika nah hal qof oo uu ergo ahaan u diro ma hayo.

Waxa ilaa shalay aan maqlayaa, in uu hadda ergo ahaan u diraayo nin Sisto magaciisa la ii gu sheegay oo dhawaan uu siiyay ruqsad ganacsiga jaadka Laascaanood ah, gabadh la gu magacaabo Samsam oo dhawaanahan Suldaanka Beesha Awal TV ga ka caayi jirtay, Muuse na fasax u ga haysata oo kooxdiisa ka mid ah, Ina Waran-cadde iyo Buuni-yare. Kooxdan hadda la abaabulaayo iyo ragii hore meesha u jiray ee Kaahin odayga u ahaa marka la is ku daro, sida ay Muuse la tahay, waa ergo culus.

Si kastaba, amma ergo culus ha diro, amma islaamo ha soo kiciyo, amaba odayaal beelaysan ha ka hadliyo, Laascaanood waxba Muuse ma ka qaban karo. Xaqiiqdu taas weeye. Dantu waxa ay tahay, in Dhulbahante taladooda iyo guurtidooda la dhegaysto. Wax aan wada yeelanno iyo aan wada tashanno hadii la ga diiday, oo heshiisyadii la la galay oo dhan xashiishka la gu daray, oo waxgaradkoodii oo dhan la deedifeeyay, gaar in ay u tashadaan xaq ayay u leeyihiin. Besba.

Qalinkii: Maxamed Haaruun Biixi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com