Tobban Qoddob Oo Ka Hadlaya Faa’iidooyinka Ay Caruurtu Ka Hesho Akhriska

Caadaysiga akhrisku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dhinaca nafsadda iyo maskaxda ah, waxa aanu kobciyaa aqoonta, fahamka, maskax furnaanta iyo il-dheeraanta qofka. Sidaas awgeed ma jirto dabeecad ka fiican in waalidku uu ilmihiisu inta uu yar yahay ku barbaariyo wax akhriska.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in wax akhriska uu ilmuhu ka helo faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin:

  1. Wax akhrisku waxa uu xoojiyaa shakhsiyadda ilmaha
  2. Akhrisku waxa uu Tababar, jimicsi iyo Dhisid u yahay maskaxda ilmaha, taas oo aad uga badan faa’idada uu ilmuhu ka helayo daawashada.
  3. Wax akhrisku waxa uu furaa maskaxda ilmaha, waxa aanu faham ka siiyaa waxa ka socda adduunyada ku xeeran.
  4. Wax akhrisku waxa uu wanaajiyaa fiirsiga iyo dhugmada ilmaha.
  5. Wax akhrisku waxa uu koriyaa khayaalka maskaxeed ee ilmaha, iyo awoodda uu u leeyahay in uu xaaladaha iyo arrimaha sawirto.
  6. Wax akhrisku waxa uu kobciyaa awoodda luuqadeed ee ilmaha, waxa aanu wanaajiya isticmaalkiisa ereyada afka.
  7. Wax akhrisku waxa uu caawiyaa koritaanka caadifadda iyo dareenka ilmaha. Sababaha waxaa ka mid ah xidhiidhka dareen ee inta badan ilmaha iyo shakhsiyaadka qisaska uu akhriyayo dhex mara, isaga oo la wadaaga farxadda, cadhada, warwarka iyo dareennada kale ee la midka ah.
  8. Wax akhrisku waa madadaalo fiican oo ilmuhu isku dhaafin karo daalka, iyo wehel la’aanta.
  9. Wax akhrisku waxa uu dhisaa, aadna u xoojiyaa awoodda waxbarasho ee ilmaha iyo gudashada waajibaadkiisa dugsiga. Waxaana inta badan lagu arkaa in ay ku fiicnaadaan guud ahaan maaddooyinka uu baranayo.
  10. Wax akhrisku waxa uu nafis iyo raaxo ku beeraa jidhka iyo maskaxda ilmaha.

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com