Xag-Jirka Qarsoon Telefiishanka  UNIVERSAL TV

Run Ahaanti Shacabka Reer Somaliland Maanta Waxay Aad U Warejinayaan Dhawrka Qof Ee Rag Iyo Dumarba Isugu Jira Ee Wada Hadalada Iyo Fikirada Lidka Ku Ah Dadnimada ,Dhaqanka,Iyo Diintena Suuban Ee Islaamka Balse Ma Dareensa Halka Laga Soo Hagayo Iyo Cida Ka Dambaysa Fikiradan Dood-Doodu Sida Yar Inoo Soo Gaadhayso,

Bulshadu Waxay Ka Indho Ladahay Ama Aanay Dhaadsanayn  Tv-ga Universal TV Ee Aad Moodo Inuu Isugu Ka Soo Qaatay Dawlada Shisheeye Ee U Ololeeya Diin Laa.anta Mashaaricdan Foosha Xun Ee Aanay Doodihisa La Qabin Badiba Tvyada Kale Ka Jira Somaliland,

Somalidu Waxay Ku Maahmahda Ninkan Maanta Waxa Jooga Garan Waxa Soo Socda Barri-Na Ma Garto.

Anigu Waxaan Qabaa Hadii Aanay Haayadaha Dawladu Gaar Ahaan Labada Wasaradood Ee Wasaarada warfaafinta somaliland Iyo Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Hoos U Eegin Doodaha U Qabanyo Tvga Universal TV In Aynu Arki Doono Bari ka Maalin Iyada Oo Lagaga Doodayo In Ay Is Guursan Karaan Dadka Isku Jinsiga Ah Sida (Gabadhu Gabadha Inay Guursan Karto,Ninkuna Ninka U Guursan karo)) Marka Waxaan Kula Talin Lahaa Cidkasta Oo Ay Khusayso Ama Laamaha Dawlada Meeshi Ay Khusaysaba Arimahan Uu Wareejinayo Tvgan Laga Leeyahay Dalka Dibadisa inay Il Gaara Yeeshan Waxa ka socda.

Dhalinyaradan Tvyada Ka Raadinaya Caanimada Iyo Magaca Aan Waday Diin Iyo Dhaqan midna  Ee Qalad Fahmay Dimuqraadiyadana Waxaan leeyahay,

Sida Ku Cad  Dasturka Jamhuriyada Somaliland Wuxu Odhanaya Umada Reer Somaliland Boqolkiiba Boqol waa Dad Muslin Ah (100%) Diinta Qudha Ee Dalka Ka Jirtaana Waa islaam,

Dadka Gaalada Dalka An U Dhalan Looma Didin Balse Waxa La Diiday Inay faafiyan Diin Aan ahayn Kaliya Ta Dalka Laga haysto,

Markaa Bulshadan Dooda Imanaysa Laftodu Markay Fikirada Ka Soo horjeeda Diinta Iyo Dastuurka Labadaba Meesha La Imanayaan Ha Soo Akhristaan Kitaabka Quraanka Kariimka Iyo Buuga Dastuurka Qaranka.

Fiiro Gaara Universal Tv Somaliland

Haloo Yeesho Tvgan Masharicda Ka Soo Qaatay Dawladaha Shisheeye Iyo Hayadaha Sida Qaldan U Ololeeya.

 

@Ali Abdi Muse

Hargeysa, Somaliland