Toddoba Cashar Oo Laga Baran karo Buugga -The Magic of Thinking Big Ee Uu Qoray David J. Schwartz.

1. Rumeyso in aad guulaysan karto, markaa waad guulaysan.

Marka aad la timaado hab-fikirka & hab-dhaqanka “waan sameyn karaa”, sida loo sameynayo waxay ku dhex dhalanaysaa maskaxdaada. In aad rumeysato in aad guulaysan karto waa mid ka mid ah astaamaha aasaasiga ah iyo kuwa lama huraanka ah ee dadka guuleysta.

Ku fikir guul, ha ku fikirin guuldarro. Si joogto ah u xasuusi naftaada in aad ka fiican tahay sida aad isu-malaynayso. Xajmiga guushaadu wuxu ku xidhan yahay xajmiga is-aaminidaadu inta uu kolba leegyahay.

  1. Jooji cudurdaarka

Cudurdaarka ugu badan ee dadku sameeyo waxa ka mid ah:

Da´da: aad ayaan u weynahay/yarahay.

Caafimaadka: caafimaadkaygu ma wanaagsana.

Caqliga: ma ihi qof caqli badan.

Nasiibka: ma ihi qof nasiib badan.

Mararka qaarkood waxaynu yaraysanaa awoodeenna maskaxeed, waxaynuna buunbuuninaa dadka kale. Ha sameyn sidan. Awoodda in aad fikirto ayaa ka qiimo badan, kana waxtar badan in aad wax qaybto. Meesha ka saar hab-dhaqanka cudurdaarka; fiiri sababaha aad u guulaysan karto.

  1. Dhis isku-kalsooni & burburi cabsida

Ficilku wuxu dawo u yahay cabsida. Ku dhaqaaqid la´aanta iyo dib u dhigashadu waxay koriyaan cabsida. Maskaxdaada iyo xasuustaada u ogolow keliya waxyaabaha togan ee ku dhiirigalinaya.

  1. U fikir una riyood si hal-abuurnimo leh

Dadka sare waxay ku dadaalaan dhageysiga. Dadka aan horumarka sameyn waxay ku dadaalaan hadalka. Hoggaamiyayaasha waaweyni waxay wakhtiga ugu badan galiyaan in ay helaan talo iyo tilmaam, marka loo eego inta ay iyagu bixiyaan.

  1. Waxaad tahay waxa aad u malaynayso inaad tahay

Hogaamiye ahaan habka aad uga fikirto shaqadaada ayaa go’aamisa sida kuwa kugu xeeran ay uga fikiraan shaqadooda. Isu arag in aad tahay qof muhiim ah, adeegso xirfadda “in aad naftaada ka gado naftaada”. Haddii adigu aad muhiim isu arki waydo, cid kalena kuuma arkayso in aad tahay muhiim.

  1. Maamul deegaankaaga

Cidda kugu xeeran ayaa hubaal ah inay saamayn ku yeelan doonto guushaada. Adiga ayay kugu xidhan tahay in aad isku harreerayso dad horumarkaaga wax ku soo kordhinaya oo aad wax ka faa´idayso. Iska shaandhee cidda aad raacayso, la fadhiisanayso ama aad la sheekaysaynayso. Kuwa inta badan ka hadla “waxa lama sameyn karo” waa kuwo nolosha ku fashilmay oo aan guulaysan. Ka fogow.

  1. U Fikir sidii Hogaamiyaha

Gaadhitaanka guushu waxay u baahan tahay taageerada iyo iskaashiga dadka kale. Iskuday in aad dadka barto, fahamto dabeecadahooda oo aad dad la dhaqan wanaagsan yeelato.

Markasta ahow “bani aadam”, marka aad la macaamilayso dadka kale, tus in aad iyaga tixgelinta siinayso oo aad dadka kale ka hor mariso naftaada. Horusocod ku fikir, horusocodna samee.

Qore: Pawan

Turjume: Axmed-Keyse Cali Rooble

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com