Alle Ha U Naxariiste Abwaan-MURSAL Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa Iyo Bahda Hayaannews Oo Tacsiyadeysay.

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste #Abwaan_Mursal_Sulub_Muuse oo ka mida Abwaanada reer Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Abwaan Mursal waxa uu ahaa qof garasho iyo caqli ILAAHAY ku manaystay, isla markaana xurmo baddan oo hal-abuura oo qofka bartaa aanu ka xiiso go’ayn.

Alle ha u naxariiste Abwaan Mursal waxa uu ahaa qof dadka jecel oo sheeko baddan, isla markaana ku caan-baxay Maaso la yidhaahdo “ABAAL-HOOYO”, isaga oo ku sheegay in aanay jirin cid gudi karta abaal-hooyo, wuxuu rabi magacyadiisa baddan ku weydiistay in maadaama ifka lagu waareyn uu isaga (Marxuum Abwaan Mursal) iyo Hooyadii uu ku Kulansiiyo Bustaanada Jannada iyo dhammaan ummada Nebi Muxamed N.N.K.H.

Waxaana tuducyada Gabayga ka mid ah:

Macnaha loo abuuray koonka

Makhluuquu eebe uumay

Masay ka yihiin xaqiiqe

Haduu yahay ruux masuula

Mansab iyo maamul haysta

Loo meel dayo qaladadiisa

Mudnaantiisana la sheego

Dadkuba uu wada majeerto

Awoodiisana la maago

Iyo kii aan meelba haysan

Miskiineen tamar-na haynin

Midhkuu taro laga masuugo

Markuu hadlo layska dhaafo

Labaduba meertadan aduunka

Midkood-na ma waari doonee

Mar uun buu iman xaqiisu

La odhan maanta keen naftiiye

Ma buuxsanto waa aduune

Dhib iyo murugaba dhex taalle

Mudadu waa kama war hayne

Xaqiiqduna waa midhkaase

Maantana inuu tagay nin wayni

May soo tabiyeen war dhiilo

Murugo badanoo xanuun ah

Marxuum inuu yahay abwaankii

Ho’ydoo mursal uu god jiifo

Mugwayn janadii fardawsa

Mawloow ugu deeq marxuumka

Mawloow qabrigana u nuuri

Mawloow malagyada su’aasha

Markay warsadaan u muuji

Inuu sax u maro jawaabta

Samirka maankiyo quluubta

Mawloow uga reeb xiskooda

Intaan ka mid ahay dadkiisa

Mawloow ehel iyo asxaaba.

HALKAN KA DAALACO GABAYGII

Bahda Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Eheladii,Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle u naxariiste Abwaan Mursal Sulub Muuse oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 30.1.2021 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Waxaanan Marxuumka ILAAHAY uga baryayaan inuu janadiisii Fardowsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, iyo Bahda Fanka iyo Suugaanta ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ILAAHAY ha ka siiyo.

Aamiin……………………………………….Aamiin………………………………Aamiin.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com