SOMALILAND: Wasiirka Caafimaadka Oo Shaaciyey in Talaalka Covid 19 Uu Dalka Soo Gaadhi Doono.

Hargeysa(Hayaannews)-Wasiirka Horumarinta caafimaadka Somaliland  Cumar Cali Cabdilaahi Bade  ayaa sheegay in dhawaan la filayo in talaalka xanuunka karoona fayras  uu soo gaadho Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in Ha’adda Unicef iyo Shirkadda DP World  in Somaliland ay usoo mariyaan talaalkaasi wadamada bariga iyo  badhtamaha Afrika ee aan badaha lahayn.

Isagoo  sheegay in Somaliland ay marin muhiim ah u tahay sidii loo gaadhsiin lahaa wadamada aan badaha lahayn Tallaal covid 19 waxaanu wasiirku sheegay in Somaliland qeybteeda ay ka heli doonto tallaalkaasi.

Geesta kale wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabidlaahi Badde waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay samaynayaan daraasado laguu qiimayno halka laga bilaabyo talaalkaasi marka uu ina soo gaadho.

Gabagbadii wasiirka wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay in xanuunka Covid 19 uu samaynayo isbadalo baladhan isagoo aduunka meelaha qaar kusii fidiya.