HAYAANNEWS.NET
Alle Ha U Naxariiste Siyaasi Ismaaciil Mirre Oo Lagu Aasay Magaaalada Hargeysa Iyo Bahda Hayaannews Oo Tacsiyadeysay.
March 18, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Siyaasi Ismaaciil Mirre Maxamed ayaa maanta lagu Aasay Magaalada Hargeysa, Kadib markii uu xalay geeriyooday.

Ka hor Burburkii Dawladii Dhexe ee Soomaaliya Ismaaciil Mire waxa uu ka tirsanaan jiray bahda Waxbarashada ee dawladii la isku odhan jiray soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale waxa uu door Muhiim ah ka soo qaatay markii ay somaliland dib xornimadeeda ugala soo noqotay Dalka Soomaaliya nabadayntii beelaha somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Geerida Allaah haw u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed Waxa uu ku sifeeyay in uu dalka ka baxay mid ka mid ah tiirarkii adkaa ee dhidibada u taagay somaliland.

Marka laga yimaado halganka iyo dib u dhiska somaliland, waxa uu marxuumku lahaa nashqada calankii hore ee somaliland oo midabkiisu ahaa cadaan iyo cagaar, kaas oo la bedelay 1997-dii.

Mar sii horeysay oo Allaah haw naxariistee Marxuumka la waydiiyay Midabada Calankan iyo waxa uu uga jeedo waxa uu ku sifeeyay in cadaanku uu yahay Nabad, Cagaarkuna uu yahay Barwaaqo.

Allaah haw u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire waxa uu ka tirsanaa Golaha Wakiiiladda inti u dhaxaysay sanadihii 1993-kii ilaa 2005.

Waxa uu sidoo kale marxuumku wax ka aasaasay Xisbigii UDUB oo la hindisay, Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor isaga oo markii dambena ku biiray Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye.

Waxa uu ahaa Siyaasad Run sheeg ah oo aan la gaban Weedhaha Runta ah, waxaana intii u dambaysay noloshiisa uu wakhtigiisa inta ugu badan ku qaatay Masjidka.

Allaah haw u naxariisto Marxuum Ismaaciil oo Sidoo kalena loo yaqaanay Farxaan Mire Maxamed.

Bahda Hayaannews waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle u naxariiste Marxuum Ismaaciil  Mirre Maxamed oo xalay oo ay taariikhdu ahayd 17.3.2021 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, isla maantana la aasay.

Marxuumka ILAAHAY janatul Fardowsa ha ka waraabiyo dhamaanteena Samir iyo iimaan ha inanga siiyo.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews