Baanka Dhexe Somaliland Oo U Hiiliyay Ayaan Maxamed Yuusuf Oo Tacadi Iyo Xad-gudub La Kulantay.

Hargeysa(Hayaannews): Baanka Dhexe Somaliland ayaa shaaciyay maanta inuu Shaqaaleysiiyay Ayaan Maxamed Yuusuf oo ah gabadh yar oo adeegto guri aheyd oo haweenaydii ay u shaqeynaysay ay tacadi kula kacday.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal yar oo ka soo baxay Baanka dhexe ee Somaliland oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee JSL,  markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar; Waxaanu garanay in Ayaan Maxamed Yuusuf aan Baanka shaqaale loo qaato.

Warkan la xidhiidha gabadhan yar ee adeegtada guri ahayd ee tacadiga kala kulantay gabadhii ay u shaqeynaysay ayaa waxay si weyn u qabsatay baraha bulshada oo si weyn ayaa loo qaada dhigayay.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews