Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Fanaanka QAMAR-SUUGAANI

Berbera(Hayaannews): Fanaanka Codka macaan ee Qamar-Suugaani ayaa maanta ciidamada Boolisku xabsiga ugu taxaabeen Magaalada Berbera.

Ma jiro, war rasmiya oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha xadhiga Fanaankan Qamar Suugaani iyo Sababta.

Wararka ay heleyso Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay intaasi ku dareen in xadhiga fanaankan Qamar suugaani la la xidhiidhinayo safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho.

Xadhiga fanaankan ayaa ku soo beegmay xili uu dalka yimi Maxamed Cumar Carte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana Raysal-wasaare ku-xigeen ka soo noqday Soomaaliya xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay Codsi uu Cafis kaga soo dalbaday.

Fanaanka Qamar Suugaani

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland