Dallada SONSAF Oo Soo Bandhigtay 475 Cabasho Oo La Xidhiidha Doorashooyinkii Dalka Ka Qabsoomay.

Hargeysa (Hayaannews)- Dalladda ay ku mideysan yihiin Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa sharaxaad ka bixiyay noocyada ay yihiin cabashooyin la xidhiidha doorashooyinka Wakiillada ee la soo gaadhsiiyey Xarunta La-socodka Habsam-u-socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo shalay ku qaboontay dalka.

Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ay weheliyaan kor-joogayaasha Maxalliga ah ee doorashada, ayaa saraxaad ka bixiyey qaabka ay ku soo dhammaatay doorashooyinka shalay looga dareeray dalka, waxaanu ku dooday inay si nabad-gelyo ah ku qabsoontay doorashadu.

Md. Anwar  waxa uu ku dooday inay xaruntooda xog-qabadka Doorashada soo gaadheen 475 cabasho oo la xidhiidha doorashooyinka, kuwaas oo ka kala dhacay goobaha codbixinta degmo-doorashooyinka ka tirsan dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in cabashooyinkaas oo intooda ugu badan laga soo tabiyey degmo-doorashooyinka gobollada Togdheer iyo Maroodijeex ay ahaayeen qaar farsamo balse markii dambe la xalliyey.

“Iyada oo loo marayo SONSAF-ESR, wadar ahaan tiro dhan 475 dhacdo oo cabashooyin ah ayaa laga soo gaadhsiiyey 6-da gobol, iyada oo Maroodijeex uu haysto rikoodhka ugu sarreeya ee 329. Cabashooyinku waa kuwo la xidhiidha nidaamka, badankooduna waxa lagu xaliyay waqtigii loogu talagalay,”Ayuu yidhi  Guddoomiye Anwar Cabdiraxmaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com