HAYAANNEWS.NET
Dawlada Masar Oo ‘Fursaddii Ugu Dambeysay’ Siisay Ethiopia
April 5, 2021 - Written by admin

Qaahira(Hayaannews): Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia ee la xidhiidha biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar.

Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa.

“Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaadhaan….ka hor xilliga daadadka,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar.

Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xireenka.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku dayaana, ha isku daydo,” ayuu yidhi. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yidhi Sissi.

Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus militari la sameysya Masar.

Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka.

 

REUTERS

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email Hayaannsoma@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews