Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay In TPLF Doonayso Inay Addis Ababa La Yeelato Xidhiidh La Mid Ah Midka Hargeysa Iyo Muqdisho

Hadalka Ka Soo Yeedhay Itoobiya Ayaa U Muuqda Saamaynta Ugu Horaysa Ee Uu Dagaalka Itoobiya Ka Socdaa Ku Yeelanayo Somaliland

Addis Ababa (Hayaannews) – Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in Madaxda TPLF ay doonayso inay Addis Ababa la yeelato xidhiidh la mid ah midka Muqdisho iyo Hargeysa oo ah laba Dal oo kala duwan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya Mr. Gedion Timothewos oo Shalay lagu waraystay barnaamijka Hard Talk oo ka baxa BBC World Service  ayaa sheegay inay Madaxda TPLF doonayaan inay dib u soo ceshadaan awooddii ay 30-ka sano haysteen, si ay taasi u hirgashana ay doonayaan inay Itoobiya u beddelaan Dal aan sharci ka jirin sida Soomaaliya oo kale.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya oo soo xiganaya hadal uu sheegay inuu ka soo yeedhay Afhayeen u hadlay TPLF ayaa yidhi  “Getachew Reda oo ka mid ah Afhayeennada TPLF wuxuu si cad u sheegay in xidhiidhka ay doonayso TPLF inay la yeelato Dawladda dhexe uu la mid yahay xidhiidhka Somaliland iyo Muqdisho, si ay taasi u dhacdana waa inay Itoobiya u beddelaan Xaalad la mid ah ta Soomaaliya, waa inay Itoobiya ka dhigaan Bulsho aan dawlad lahayn.”ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya, wxaanu intaas raaciyay in TPLF doonayso inay ku soo noqoto awooddii Itoobiya ee ay gacanta ku hayeen, si ay taasi ugu hirgashana ay doonayaan inay bulshada Itoobiya kala qob-qobaan oo aanu hirgelin isbeddelka Itoobiya ka socdaa.

Hadalkan xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa u muuqda saamaynta ugu horaysa ee uu dagaalka Itoobiya ka socdaa ku yeelanayo Somaliland, isagoo gobalkana ku yeeshay saamayno kala duwan.

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com