Dr. Edna oo Madaxweynaha Ku Bogaadisay Hirgelinta Mashruuca Shaqo Qaran
May 27, 2019 - Written by admin
Hargaysa (Hayaannews):- Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa soo dhawasay kuna ammaantay Madaxweynaha Somaliland hirgelinta mashruuca shaqo qaran.
Edna
Aadan Ismaaciil oo shalay hadal ka jeedisay munaasibad loo qabtay xidhitaanka
wajiga koowaad ee mashruuca shaqo qaran ayaa sheegtay in ay muujinayso in
dhalinyarada la dhiiri galiyo Somaliland na isku filan tahay, waxaanay intaa ku
dartay in dhalinyarada ka soo baxday shaqo qaran ay wax tar u yeelan doonaan
qaranka.
Dr
Edna oo arimahaa ka hadlaysayna waxay yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan
goobjoog ka ahaado Munaasibadan dhaxal galka u noqonaysa horumarka
dalka Somaliland ee muujinaysa in Somaliland isku filantahay, isla
markaana Somaliland diyaar u tahay in dalkeeda dhisato dalkeeda ilaashato dhalinyaradeeda
jiilka cusub ee soo kacaya ay u hurto hiil iyo hooba wixii gacanta ugu jiraba.”
Dr
Edna oo la hadlaysay dhallinyarada ka baxday mashruuca shaqo qaran,ayaa ku
dheeraatay sida dhallinyarada wax loo baray isla markaana ku dar daartay in
looga baahan yahay waxyaabihii ay barteen iyo tababarkii ay qaateen in uu ka
muqdo oo ay dalka ku anfacaan,waxaanay tidhi “Waxaad barateen dhalinyarooy WanaagGa
iyo asluubta uu leeyahay tababarku waad ka duwan tihiin maanta saddex bilood
horteed sidii aad ahaydeen,waxa aad tahay Maanta qof tababaran waxa aanu rabnaa
tababarka aad qaadatay in ay ka muuqato wax tarka aad u yeelan doonto qaranka Somaliland hormood
ayaad tihiin waxa aad u horseedaysaan kummanaan kale oo aan helin fursadaa aad
hesheen,”.
Edna
Aadan waxay ku bogaadisay madaxweynaha qaranka hir gelinta tallaabada shaqo
qaran, waxaanay caddaysay in uu ku dhiiraday hawl adag oo qaranka wax wayn ugu
fadhida.
Waxaanay tidhi iyada oo arrimahaa ka hadlaysa “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gartay baahida loo in dhalinyarada la dhiirigaliyo la tababaro fursad ay isku muujiyaanna la siiyo, cadaw badan ayaad leedihiin waan isku duubnaanaynaa waddankeena waynu difaacanaynaa caqli ayaynu ku difaacaynaa dal jacayl ayaynu ku difaacaynaa.”