Dr. Sada Mire Aqoonyahanad Reer Somaliland Oo Ku Takhasustey Baadhista Ataarta Qadiimka Oo Ku Guuleysatey Abaal-marinta Caalamiga Ah Wayfinder Award

Washington DC (Hayaannews):– Dr. Sada Mire oo ah Aqoonyahanad ku Takhasustay baadhista Aataarta Qadiimka ah, kana shaqaysa, ayaa ku guulaysatay Abaal-marin Caalami ah.

Dr. Sada oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, haysatana dhalashada dalka Sweden,isla markaana ka shaqaysa u ololaynta iyo horumarinta Hiddaha iyo dhaqanka, ayaa ku guulaysatay abaal-marinta Caalamiga ah Wayfinder Award 2023 oo ay bixiyaan Ururka National Geographic Society oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka.

Ururka qaranka Juqraafiga “National Geographic Society” wuxuu ku dhawaaqay 2023 qaadayaasha Abaal-marinta Wayfinder oo ay heshay Dr. sada mire.

Abaal-marinta ‘Wayfinder’ ayaa lagu maamuusaa dadka dedaalkoodu saamaynta wax-ku-oolka ah yeesho, kana shaqeeya Isku-xidhka Taariikhaha Umadaha isla-markaana shaqadoodu daah-furto Hal-abuur Horumar Horseeda.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Ururka ‘National Geographic Society’ waxaan ku hanweynahay inaan magacowno 15-ka qof ee raad-raacayaasha ah inay yihiin kuwa sanadkan 2023-ka helay Abaalmarinta Wayfinder, taasi oo ku timid Wax-qabadkooda gaarka ah ee heer maxalli ah iyo mid caalami ah,” sidaa waxa yidhi Alexander Moen oo ah Madaxa Hawl-gelinta National Geographic Society oo ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn caalamka ee ka shaqeeya horumarinta Cilmiga iyo Waxbarashada.

Sada Mire oo haysata Shahaadada sare ee PhD, ayaa ka hawl-gasha Machadka Cilmi-baadhista Aataarta qadiimiga ah ee Jaamacadda London, iyadoo ah Aasaasaha Madxafka Horn Heritage Foundation, waxayna ka shaqaysaa oo kale cilmi-baadhista iyo ilaalinta Hiddaha iyo dhaqanka Geeska Afrika.

Dr Sada Mire, ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga Aataarta qadiimiga ah oo ay ka shaqaynaysay in ka badan toban sano, waxay cilmi-baadhis ka samaysay Somaliland iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay War ay baahisay Hay’adda Abaal-marintan bixisa, taasi oo intaa ku dartay Inay ahayd Agaasimihii aasaasay Waaxda Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland.

Dr. Sada Mire Aqoonyahanad Reer Somaliland Oo Ku Takhasustey Baadhista Ataarta Qadiimka Oo Ku Guuleysatey Abaal-marinta Caalamiga Ah Wayfinder Award

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la wadaago in aan ku guulaysto Abaalmarinta Wayfinder, anigoo ka mid noqonaya shabakada caalamiga ah ee National Geographic,” sidaa waxa tidhi Sacda Mire oo qoraal kooban oo ay guusheeda kaga dareen-celisay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Abaal-marinta lagu maamuusay Dr Sacda Mire, ayaa u saamaxaysa inay ka mid noqoto shabakadda Khubarada caalamiga ah ee ka hawl-gala hay’adda National Geographic Society.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda National Geographic Society, Dr Sada Mire ayaa ah qofka kaliya ee Soomaali ah ee ku jira 15 Aqoonahan oo ee sannadkan ku guulaystay. Sidoo kale, Sada Mire ayaa noqonaysa qofkii u horreeyey ee Soomaali ah ee ku Guulaysta Abaalmarintan.

Aqoonyahan Sada Mire, ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Goobo Taariikhi ah oo laga helay Somaliland, gaar ahaan Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km ah dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan Hargeysa.

Khubaro caalami ah Oo ku takhasusay Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah, ayaa tiraba dhowr jeer booqasho ku tagay deegaanka Laasgeel oo laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin, kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Sada Mire ayaa noqonaysa Gabadhii labaad ee reer Somaliland ah ee Muddo bil gudaheed ah ku guulaysata abaal-marin Caalami ah oo lagu maamuusay.

Hore waxa sidan oo kale Abaal-marinta Caalamiga ah ee Templeton Prize ugu guulaysatay Dr’s Edna Aada Ismaaciil.

https://www.sadamire.com/

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com