Adis Ababa (Hayaannews) – Waxaa cirka isku sii shareertay
cabsida laga qabo ujeedada ay Dowladda Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay
sameysaneynso iyadoo aan lahayn wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray
Itoobiya iyo Faransiiska.
Dowladda Itoobiya ayaa wadday bilihii ugu dambeeyey dadaal
ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn
doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aanay Itoobiya lahayn wax bad
ah.
Iyadoo ay cabsidaasi taagnayd ayaa waxaa safar olole ah
Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo
safarkiisa markii hore kasoo bilaabay Jabuuti ka hor inta aanu booqasho ku
tagin dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxeexday iskaashi
milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo
dhismaha ciidamo badeed, xilli Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku
yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug
weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajanaysa inay dhaqaale fiican ka sameyso
halkaas.
“Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu
bixinayaa jadwal howleed iyo wadada ay France ka taageeri karto Itoobiya
dhismaha ciidamo badeed,” ayuu Macron ka yidhi shir jaraa’id isaga oo uu garab
taagan yahay Abiy Axmed.
Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku
yaalla gobolka, oo ay ka mid yihiin dawladaha Soomaalidu oo muddo ku dhaw 30
sano aanay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka jirin dowlad xooggan oo
midaysani.
Tallaabada uu Faransiiska u qaaday inuu Itoobiya ka caawinayo
Tababarka Ciidamada Badda ayaa u muuqato mid suurtagelineyso cabsida ay
dawladaha Soomaalidu ka qabaan inay Itoobiya usoo socoto Badaheeda isla
markaasna ay halkaas ka dhigan doonto Saldhigyo, iyada oo aan la ogayn ina y
saldhigyadaasi nooqn karaan Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera.
Marka ay Dowladi samaysaneyso Ciidamada Badda waxaa lagama
maarmaan ah inay ciidamadaasi helaan saldhigyo ay fadhiisimo ka dhigtaan,
waxayna khubarada intooda badani qabaan inay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin
meelaha ugu dhow ee ay Itoobiya damci karto maadaama ay dawladaha Soomaalidu
yihiin kuwo aan laheyn awood ay ku
Ilaashan karaan xuduudahoodda Dhulka, Cirka iyo Badda.
dhinaca Soomaaliya Waxaa hadda tuhun weyn laga qabaa inuu
Banaanka usoo baxo heshiiska la sheegay inay hore u kala gaadheen Farmaajo iyo
Abiy Ahmed kaasoo ah inay Itoobiya maalgashi ku sameysato Afar kamid ah
Dekadaha Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaacin kuwa ay yihiin.
Heshiiska la doonayo in Itoobiya lagu siiyo Afar Dekadood oo
Soomaaliya ku yaal oo ay maalgashi ku sameysato ayaa dood badan ka dhex
dhalisay Shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka iyo Dowladda dhexdeeda, inkastoo
Madaxweyne Farmaajo uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu Itoobiya siiyey Dekado
balse ay arrintani aheyd wada hadal ku aadan inay Itoobiya maalgashi kaliya ku
sameysato Dekadahaas.
Tan iyo markii uu dalka Itoobiya Ra’isulwasaare ka noqday
Abiy Ahmed, waxay Siyaasadda Itoobiya noqotay mid furfuran oo ay ku dooneyso
inay kaalin weyn ku yeelato Mandiqadda Africa gaar ahaan Geeska Africa.
Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waday dadaalo
ay ku dooneyso inay kula wareegto Dekadaha ku yaal Africa, waxayna hadda la
kulmi doontaa cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowlado badan oo ay kamid tahay
Faransiiska hadda soo baraarugay.
dhinaca Somaliland, Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku
leh heshiiskii ay Imaaraadka Carabta kula wareegeen Dekadda iyo Garoonka
DIyaaradaha ee Berbera oo noqonaya saldhig military oo ay leedahay Imaaraadka
waxayna Itoobiya ku leedahay Dekadda Berbera Saami dhan 19%.
Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-kii markii dagaaladu dalkaasi meel xun gaaadheen kadibna ay 1993-kii Eritrea gaar isaga taagtay dalka Itoobiya sidaana ay Itoobiya ku wayday wax bad ah.