Golaha Wakiillada Oo Rejo galiyey Shacabkii Doortay Muddo Kooban Oo Ay Shaqaynayeen.

Hargeysa(Hayaannews): Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa rejo iyo yididiilo cusub ku abuuray shacabkii soo doortay 31 May ee sannadkii hore.

Mudaneyaashan cusub iyo Shirguddoonka Golahaasi oo uu u horreeyo Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo gudanaya waajibaadka loo doortay, ayaa muujiyey metelaad dhab ah oo ka turjumaysa dareenka shacabkii soo doortay, waxaanay muujiyeen dardar cusub oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan u dhexeeya Golaha shacabka ka wakiilka ah iyo Xukuumadda.

Shacabka oo aan muddo 15 sanno ka badan aan la arag Gole si dhab ah kula xisaabtamaya Waaxda fulinta (Xukuumadda), ayaa golahan cusub oo shan bilood joogay waxa ay qaadeen tallaabooyin shacabku soo dhaweeyey, isla markaana ka yaabiyey Xukuumadda oo aan hore uga baran isla xisaabtan cusub.

Tallaabooyinka ay Golaha Cusub iyo shirguddoonkoodu qaadeen ee shacabku u riyaaqay, ayaa waxa ka mid ah,

■Tallaabadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu dib ugu celiyey Madaxweynaha Masuuliyiin Wasiirro u badan oo dhaafay wakhtigii sharcigu ahaa in Golaha lagu kor keeno.

Tallaabadani, waxa ay muujisay oo farriin cad u dirtay Xukuumadda iyo Madaxweynaha, maadaama oo wada shaqeynta Labadan Waaxood ee Waddanku, is dheeli tirayaan, isla markaana waxa lagu wada shaqaynayo uu yahay sharciga iyo Distuurka dalka in ay ixtiraamaan oo tallaabo kasta loo maro dariiqa sharciga ah.

■Miisaaniyadda qaranka oo wakhtiyadii hore duuduub lagu ansixin jiray, ayaa Golahan si weyn uga baaraan degayaan, iyaga oo ku salaynaya baahiyaha dalka iyo mashaariicda Gobollada, iyada oo markii horreysay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada fursad loo siiyey in ay su’aalaha ay qabaan ee la xidhiidha Miisaaniyadda ay weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda, iyada su’aallo gaadhaya 70 su’aallo oo ka dhashay Miisaaniyadda la weydiiyey Wasiir Sacad Cali Shire.

■Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu magacaabay Guddi hoosaadyada Golahaasi, kuwaas oo si dardar leh u shaqaynaya, isla markaana la xisaabtamaya Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda ee Guddiyadaas la leeyihiin wada shaqaynta rasmiga ah.

■ Guddida Ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka oo iyaga kormeeray mashaariicdii Miisaaniyaddii 2020-ka, kuna soo ogaaday musuq maasuq, mashaariic aan la fulin iyo kuwo hore u dhammaaday oo haddana miisaaniyadda lagu soo daray.

■ Guddiyada kala duwan oo kormeer iyo daba gal la xidhiidha shaqooyinka ay ummada u hayaan ku tegay Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ah ee dalka

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa ah kuwo muujinaya isbeddel laga dareemayo Golaha cusub iyo Hoggaankiisa, taasoo rejo iyo yididiilo cusub gelisay shacabka Somaliland ee doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka u codaysay isbeddel ay muddo naawilayeen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com