“Iska ilaaliya Waxyaabaha Musuqa iyo Xaaranta Ah Oo U Dirira Xaqa…” Mulkiilaha Shirkadda Adeega Xawiladda WORLDREMIT Ismaaciil Axmed

Hargeysa(Hayaannews): Shirkadda Adeegga Xawiladda Lacagaha ee Nidaamka Electronika ah ee WORLDREMIT Ismaaciil Axmed ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo waxyaabaha musuqa iyo xaaranta ah, balse u dirara xaqa.

Sidaa waxa u uku sheegay qoraal uu soo saaray Ganacsade Ismaaciil Axmed oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Iska ilaaliya waxyaabaha musuqa iyo xaaranta ah oo u dirira xaqa. Imika iyo beryahan danbe waxa aad mooddaa dadka qaar in ay xaarantii iyo xalaashii isaga ekaadeen, oo ay musuqii wax caadi ah u arkaan!”.Ayuu yidhi Mulkiilaha Shirkadda Adeegga Xawiladda Lacaga ee WORLDREMIT

Aynu isku noqonno sida dhaqanka iyo diinteennu ina farayso: “Waxa aan odhan lahaa waxan dhaqan umaynaan lahaan jirin, ee aynu ku soo noqonno sida dhaqanka iyo diinteennu ina farayso, oo yaan laga fekerin oo keliya maxaan maanta qaataa.” Ismaaciil Ahmed.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com