Guddiga Wasiirada Oo Kulan La Yeeshay Guddida Xildhibaanada Baarlamaanku U Magacaabay Arrinka LAASCAANOOD.

Hargeysa (Hayaannews)- Kulan Ballaadhan ayaa ayaa maanta ku dhexmaray xubnaha Golaha Wasiirada ee hore Madaxweynahu ugu xilsaaran arrinta magaalada Laascaanood iyo Guddida Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Gudoomiye ku-xigeenka koowaad u magcaabay ka soo talo bixinta dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood.

Shirkan oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo shir gudoomiyey kulankan, ayaa lagaga wadahadlay dagaalka iyo duulaanka lagu soo qaaday Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Maxamed ayaa warbixin buuxda Xildhibaanada ka siiyey xaaladda Magaalada Laascaanood bilow ilaa dhamaad, isagoo Wasiirku uga waramay Xildhibaanada marxaladii iyo kulamaddii ay nabad ku raadinayeen weftiga Wasiirada ahi mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale xubnaha Golaha Wasiiradu waxay Xildhibaanada uga warameen kulamadii dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wefti Wasiirada ah ee uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.

Kulankan Wasiirada iyo Guddida Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ku soo dhamaatay is faham, iyadoo isla qaatay in laga wada shaqeeyo difaaca Qaranka iyo kor u qaadista wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada.

Xubnaha Wasiiradda

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore

3- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).

4- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

5-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed.

6- Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax.

Xubnaha Xildhibaanada

1- Xil: Axmed Cabdi Ibraahim (Timo Jilic), Gudoomiye.

2- Xil: Axmed Muuse Jaamac.

3- Xil: Xuseen Ismaaciil Jaamac.

4- Xil: Cabdirsaaq Yuusuf Cismaan.

5- Xil: Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

6- Xil: Cali Xuseen Nuur.

7- Xil: Maxamed Xasan Siciid.

8- Xil: Cabdillaahi Muuse

9- Xil:Axmed Cabdi Ibraahim.

10-Xil: Barkhad Jaamac Batuun.