“Hamigaygu Waxa Uu Yahay in La Helo Dhakhastiir Qoto Dheer U Leh Badqabka Hooyada Soomaaliyeed” Dr.Mariya Cabdi Cali

Hamigaygu Waxa Uu Yahay in La Helo Dhakhastiir Qoto Dheer U Leh Badqabka Hooyada Soomaaliyeed Dr.Mariya Cabdi Cali

Cape Town(Hayaannes): Dr’s  Mariya Cabdi Cali oo ah dhakhtarad u dhalatay Somaliland ayaa sheegtay in hamigeedu yahay sidii ay u noqon lahayd dhakhtar takhakhus qoto dheer u leh bad-qabta hooyada Soomaaliyeed marka ay uurka leedahay, xilliga foosha iyo cudurrada guud ee dumarka .

Dr.Mariya Cabdi oo hadda ku sugan magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika, halkaas oo ay Jaamacad ku taal (Stellenbosch University) ka diyaarinayso takhasus ku saabsan Caafimaadka hooyada uurka leh, xanuunada ku dhaca iyo qallimadooda (Obstetrics and Gynaecology).ayaa tilmaantay inay hankeeda  iyada oo ka timi waddanka Somaliland wax la dhigto ama u babac dhigo dhakhaatiir haysta tababar iyo aqoonta aduunka koowaad, taas oo ay adagtahay inay dhacdo.

Magacaygu wa Dr. Mariya Cabd Cali, waxaan ahay dhakhtar ku sugan magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Africa (Cape Town, South Africa), halkaas oo aan ka diyaariyo takhasus ku saabsan caafimaadka hooyada uurka leh, xanuunada guud ee haweenka ku dhaca iyo qallimadooda (Obstetrics and Gynaecology). Waxa aan ka diyaariyaa takhasuska jaamacadda Stellenbosch University oo ka mid ah dhawrka jaamacadood ee ugu horreeya Africa.

Waxa aan ka soo baxay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa (University of Hargeisa) oo aan ku soo qaatay heerka koowaad. Internship kaygi waxa aan kasoo shaqeeyay dhakhtarka weyn ee Hargeysa( Hargeisa Group Hospital).

Way adkayd in qof ka yimi waddanka aan ka imi uu higsado, wax la dhigto ama u babac dhigo dhakhaatiir haysta tababar iyo aqoon ah tii adduunka koowaad. Waxa uu se hamigaygu yahay in la helo dhakhaatiir takhasus qoto dheer u leh badqabka hooyada Soonaaliyeed marka ay uurka leedahay, xilliga foosha iyo cudurrada guud ee dumarka. Taasi waxa ay hoos u dhigaysaa tirada dhimashada iyo khataraha ku gadaaman uurka iyo foosha (Maternal morbidity and mortality).

Hamigaygu Waxa Uu Yahay in La Helo Dhakhastiir Qoto Dheer U Leh Badqabka Hooyada Soomaaliyeed Dr.Mariya Cabdi Cali

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com