“In Laga Heshiiyo Wixii Laysku Khilaafay Waxaa Ka Faa’iido Badnaan Lahay In Gobolku Garwaaqsado Oo Ixtiraamo Madaxbanaanida Somaliland” Safiir Maxamed Xaaji

Amb Mohamed Omar Hagi is the Representative of Somaliland in Taiwan-Hayaannews

Taiwan(Hayaannews): Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Taiwan Dr.Maxamed Xaji ayaa tilmaamay in faa’ido badani ku jirto ictiraaf ay hesho Somaliland oo u gogol xaadhi kara nabad waarta, xasilooni iyo horuma ka hana qaada guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Dr. Mohamed Xaaji oo farta ku fiiqaya  Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in farqi weyni u dhexeeyo labadaas marka la eego qalalaashaha iyo xasilooni darada ka jirta Soomaaliya iyo amaanka iyo dimuqraadiyada biyo dhigtay Somaliland, taas oo muhiim ah ayuu yidhi in bulshada caalamku u wajahdo qaab macquul ah oo sax ah.

Isaga oo arrimahaas faah-faahinaya Dr. Maxamed Xaji waxa uu yidhi “Dr. Mohamed Hagi Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan: “Marka la eego qalalaasaha iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya iyo faraqa weyn ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa muhiim ah in bulshada caalamku ay arrinta u wajahan qaab macquul ah oo sax ah.

Kala duwanaanshaha taariikheed, dhaqan iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay muujinayaan sida ay lagama maarmaanka u tahay in la aqoonsado kala duwanaanshaha haybta qaranka. Halkii la isku dayi lahaa in la heshiiyo wixii la isku khilaafay (guul iyo guul-darro) waxa ka faa’iido badnaan lahayd in gobolku garwaaqsado oo ixtiraamo dariiqa gaarka ah ee madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Habkani wuxuu u gogol xaadhi karaa nabad waarta, xasillooni iyo horumar ka hanaqaada guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.”

Safiirka Taiwan U fadhiya Somaliland Maxamed Xaaji-Hayaannews

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland