SHeeko Kale: Tuuggii Xariifka Ahaa

Beeruhu waa jiritaanka aasaaska noloshada noolaha, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xannaaneynta iyo soo saarista dhirta aynu ka helno cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan yihiin nolosha Aadamuhu.
Waa hore Oday beeralay ah ayaa wiilkiisii oo xabsi ku jiray usoo qoray waraaq ay ku qoran tahay; wiilkeygii qaaliga ahaayow sannad wacan oo wanaagsan, balse sannadkan ma awooddi karaayo inaan beero Baradhadii sababto ah, Aabo beerta kaligay ma’qodi karaayi, waan ogahay haddii aad illa joogi laheyd waad i caawin laheyd:
Wiilkii ayaa aabihii fariintan qoraalka ah ugu soo war- celiyey, waxaannu qoraalkiisii ku yidhi: Aabo sannadkan haku fikirin inaad qoddo beerta, sababtoo ah, halkaas ayaan ku aasay lacagtii aan soo xadey.
Warqadii ayey akhristeen Laanta baadhitaanka danbiyada ee ciidanka amnigu, waxaannay go’aansadeen maalinkii ku xigay inay aadaan beerta si ay uga soo baadhaan lacagtii uu xaday, ka dibna waxay qodeen dhowr qoodi oo ka mid ahaa beertii, iyagoo ka raadinaayey lacagtii, balse, waxba kama aysan helin.
Markii ay ka soo wareegtay dhowr maalmood, ayuu haddana mar’kale wiilkii xabsiga ku jiray uu u diray fariin qoraal ah Aabihii, waxaannu ku yidhi qoraalkaas, Aabo Hadda waad beeran kartaa baradhadaadii, waxaan sameeyey wixii ugu fiicnaa ee aan ku sameyn karayey, Aabo waxaan kuu soo direy caawimo bilaash ah.
Xigasho: Dalayntii degelka Kobcisay ee
Ahmed Yasiin Dool iyo Anigoo ah tifatiriihii oo idin leh rmadaan kariim.
FG. Maaha mid aynu ku dhiiri galinayno tuuggada,dusduska iyo khiyaamada, balse, dhinaca garaadka ayeynu ka eegaynaa.
Mo F. Qoti