Itoobiya: Dhibtu Asalkeedu ma Hannaanka Federal ee Qoomiyadda ku Nashqadaysan ba?

Dib-u-helaadin koobban, Khariirada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Itoobiya (Federal Democratic Republic of Ethiopia) wax bud-dhig u ah tiirkeeda aasaas oo ahaa “Qoomiyad,” halka hannaannada federal ee dunida intooda badan ku nashqadaysan yihiin siyaasad ahaan juquraafi amma hannaan maamul. Itoobiya waxa ay ka duushay in qoomiyadnimadu noqon doonto khariidooda siyaasadeed.

Daneeyayaashii dejiyey nashqada dib-u-habaynta siyaasadeed ee Itoobiya ee u guuray hannanka federalka ah 1991waxa ay ahaayeen xisbiyo ku salaysan qoomiyad iyo jab-hadihii dagaalka kula jiray nidaamkii Dergiga.

Su’aasha ay doonaayeen in ay ka jawaabaan ee hortaalay ee ahayd Itoobiya hannaanka kali-talisnimo siday ahaan doontaa waxa ay ahayd su’aasha shucuubta qoomiyadnimada u qaabaysan, kadib waxa ay ku dhawaaqeen in “qoomiyadnimadu,” ay noqonayso abaarta siyaasi ee dalka loo qaabayn doono oo ah in qoomoyad kasta la siiyo ismaamul u gaar ah si arrimahooda ay u maamushaan. Taasina waxa ay dhashay Dastuurka hannaanka federal u qaabeeyey dalka.

Sidaa darteed, asal ahaan halka sartu ka qudhuntay ee hannaanka Federalka Itoobiya xaalad nugul ah geliyey, waxa uu ahaa in “qoomiyadnimada,” noqotay nashqada hannanka dawliga ah. Waxa ismaamulada qoomiyadaysan loo qaabeeyey in ay yihiin haybta siyaasi ee summada u ah dalka. Tani waxa ay hormood u noqotay in hayb-sumadeedka asalka ah ee siyaadi ee qoomiyadnimadu keento tartan siyaasi oo qoomiyadaha dhex mara. Sidoo kalena shucuurta wadaniyadeed hoos u dhacdo oo daacadnimada qoomiyadnimadu kor u kacdo (Son of soil).

Xaaladda Itoobiya hadda taagan waa xaalad colaadeed sooyaalkeedu fog yahay oo utun iyo uur-ku-taalo soo jireen ah raacaysa, haddii colaadan sahayato kabashadeedu waa adkaanaysaa, saamayn dhaqaale, bulsho iyo mid ambi ba ku yeelanaysa wadamada jaarka la ah.

Waxa qoray: Ibrahim Khadar

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com