HAYAANNEWS.NET
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyey Jadwalka Doorashada Wakiillada Iyo Deegaanka
January 17, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Hayaannews):- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Madaxweynaha Somaliland u Gudbiyey Jadwalka Wakhtiga ay qabanayaan doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Madaxweynaha ayey. Xubnaha Guddiga doorashooyinka, ayaa madaxtooyada ku yeeshay kulan ay Guddigu ugu gudbiyeen wakhtiga doorashada, waxaana lagu faah-faahiyey qoraalka ay Madaxweynaha u gudbiyeen Komishanku war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidatan:-

“Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad  sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha qaranka usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay  dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo.

Waxana Madaxweynaha oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada ee Aftahannews soo gaadhay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews