LAASCAANOOD: 13 Qof Oo Rayid Ah oo Ku Geeriyooday iska Horimaadkii Ka Dhacay Laascaanood,Iyo Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay

Laascaanood(Hayaannews): 13 qof oo rayid ah ayaa dhintay,waxaana dhaawacmay 40-qof kale,kadib markii ay weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland iyo xarunta ay degan yihiin Weftiga Wasiirada Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

Ciidamada qaranka Somaliland ayaa waxay weerarkaas kaga jawaabeen is difaac, waxaana dhintay 13-qof oo rayid ah, isla markaana waxa dhaawacmay 40-qof kale

Wasirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka mida Weftiga Somaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland iyo xarunta ay ka degen yihiin Laascaanood“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland iyo xarunta aannu ka degannahay laascaanood aniga iyo waftiga kale ee Golaha Wasiirrada Somaliland ee hawlaha nabadaynta u jooga Magaalada Laascaanood.”

Mar uu Wasiir Koore ka hadlayay cida soo weerartay cidda ay tahay waxa uu yidhi “Waxa weraarkaas soo qaaday argagixiso iyo kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen dadka Nabad-diidka ah ee ku sugan Magaaladu.”

“Ciidamadda Qaranka ayaa difaac kaga jaawaabay werardaasi”.Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Dhinaca kale, iska horimaadyo hubaysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga degaanka.

Masuuliyiinta Cusbitaalka Laascaanood ayaa u sheegay Idaacada codka Mareykanka ee VOA inay iska horimaadkan ku dhinteen 13 qof ilaa haatan, halka 40 kale-na ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ala sheegayaa inay jiraan dhaawacyo.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com