LAASCAANOOD: Maxaabiis Dil Geystay Oo La-Gala Baxay Jeelka Laas-caanood.
October 26, 2020 - Written by admin
Laascaanood(Hayaannews):
Waxa jeelka magaalada Laascaanood laga la baxay saddex maxbuus oo hore dilal
geystay.
Maxaabiista la la baxay
oo ahaa rag boolis ah ayaa laba cisho ka hor laba nin dilay.
Dilka loo haysto
nimankan ayaa yimi mar ay eryanayeen rag magaalada khamri soo gelinayay sida ay
ii sheegeen maamulka gobolku, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah raggii
khamriga wadey.
Rag hubaysan oo
ciidanka Somaliland ka tirsan balse ay isku hayb yihiin nimanka xidhnaa ayaa
maanta saldhiga kala baxay.
Taliyihii ciidanka
saldhiga haystay ayaa isna galabta la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inuu qayb ka
ahaa qorshaha saldhigaga lagagala baxay askartii maxaabiista ahayd.
Ciidanka la baxay maxaabiista ayaa qorshohooda la sheegayaa inuu yahay in ay gacanta ka geliyaan nimankan beelihii ay kasoo jeedeen nimankii ay dileen si aan colaadi dhexdooda uga bilaabmin.