Liiska Magacyada Hoggaanka Cusub Ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Lagu Caleemo Saaray Iyo Jawiga Shirweynihii 7aad Ee Golahaasi
October 28, 2020 - Written by admin
Madaxweyne
Biixi Oo U Magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE u magacaabay Ibraahim
Axmed Raabi,
Hargeysa(Hayaannews):
Shirka 7aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa maanta lagu doortay
Hoggaanka Golaha dhexe ee Xisbigaasi. Kadib markii uu maanta si rasmi ah ugu furmay
magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga
KULMIYE u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi, kadibna Golaha dhexe ee Xisbiga
KULMIYE ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xoghaya Guud.
Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ka kooban 310-xubnood waxaana loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa, Halka guddoomiye Kuxigeenka Golaha dhexe loo doortay Cali Maxamed Cali, iyada oo Xoghayaha Golaha dhexena ee Xisbiga KULMIYE-na loo doortay Mustafe Maxamed Yoonis.
Xubnaha guddida fulinta Xisbiga KULMIYE ee cusub waxay Kooban yihiin 31 xubnood, Waxaanna cod aqbaliyad ah ku ansixiyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
“Mudnaanta
koowaad ee xukuumadda uu faray xisbiga KULMIYE iyo shuruucda Qaranku
waa ilaalinta Qaranimada Somaliland oo aan lagu gacan-maroojin karin
dhaqaale, xoog ciidan iyo wax kastoo kale toona. Waa taa siyaasadda
aannu ku shaqaynaynaa oo naga go’an.” Madaxweynaha JSL Mudane Muuse
Biixi Cabdi.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE ibraahim Axmed RaabiGuddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa