Maayerka Magaalada LAASCAANOOD Oo Shaaciyey Khasaaraha Dagaalku Sababay.

Maayarka Maagaalada Laascaanood, Cabdixakiin Cali Ismaaciil

“Waa in Magaalada Laga Saaraa Ciidmadda Qaranka Iyo Malayshiyada Guddaha Magaalada Laascaanood”  Maayar Cabdixakiim

Laascaanood (Hayaannews ):- Khasaaraha ka dhashay dagaalada ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa markii u horaysay lasoo bandhigay, kaas oo Isugu Jira tirada dadka ku dhintay, dhaawacyada Iyo dadka ku barakacay muddadii ay dagaaladu ka socdeen.

Maayarka Maagaalada Laascaanood, Cabdixakiin Cali Ismaaciil oo Khamiistii maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ku sugan Magaalada, ayaa ka Warbixiyay khasaaraha uu sababay dagaalka sida googooska uga socday Magaalada ee u dhexeeyey Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo malayshiyo deegaanka ah oo kaalmooyin ka helayay Kooxo lala xidhiidhiyay Al-Shabaab iyo weliba Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ee Somalia iyo Kooxo kale oo ka tirsan Ciidamada dawladda Federaalka Oo ay weheliyaan Malayshiyaad gadaal kaga soo biiray oo kasoo gurmaday Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo dhinaca Magaalada Gaalkacayo

Maayerka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaanu sheegay in boqollaal Qof ku dhinteen, isla markaana ay Laba Boqol oo Qof ku barakeceen dagaalka.

“Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo Qof, waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka.” Ayuu yidhi Cabdiraxiin.

Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada Xukuumadda iyo Cusbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo ka mid ahi burbureen, waxa kale oo uu Ciidammada ku eedeeyay in ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee magaalada.

Maayer Cabdikariin ayaa waxa uu sheegay inaanay Puntland iyo Argaggixiso toona Somaliland kula dagaallamayn, balse keliya dadka deegaanku la dagaallamayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxan beeniyayaa in dagaalka aannay Puntland, Aragixiiso Iyo dawladda Soomaaliya aannay qayb ka ahayn, dagaalku wuxuu u dhexeeyaa Ciidamadda Somaliland Iyo shacabka deegaanka, sidaa ayaan cid walba u caddaynaynaa”

Maayarku, wuxuu sheegay in dagaalka oo ka bilaabmay Magaalada Laascaanood Febeuary 6, 2023, uu socday muddo 24, cisho ah, issgoo xusay in dagaalku ahaa mid u dhexeeyay Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Malayshiyo deegaanka ah, balse ma xusin Maayar Cabdixakiim dhincayda kale ee dagaalka qaybta ka ahaa.

“Waxaan marka hore Beesha Caalamka, Midawga Africa, Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, Ummadda Soomaaliyeeed iyo cid walba u caddaynaynaa Annagoo ah golihii deegaanka ee Degmada Laascaanood in dagaalku u dhexeeyo Ciidamadda Somaliland Iyo shacabka deegaanka” ayuu yidhi, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada xukuumadda Somaliland ee ah in ay Maagalada Laascaanood ka dagaaalamayaan Kooxo Al-Shabaab Iyo Ciidamadda ka yimi dhinaca Puntland Iyo kuwo dhanka Soomaaliya Iyo deegaamo kale kasoo galay halkaa si ay dagaalka uga qayb qaataan.

Maayerka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka Laascaanood, ayaa wuxuu sheegay in ay usoo jeedinayaan in Ciidmadda Somaliland la geeyo Caynaba oo laga saaro Magaalada, sidoo kale, in Malayshiyaadka hubaysan ka baxaan Magaalada si ay u hirgasho xabbad joojintii, Isla markaana wadahadalo nabadeed oo xal waara ah loo gaadho, isagoo Maayarku sheegay in markaa Kaddib shacbiga loogu baaqo Inay kusoo laabtaan Magaalada si nolloshu caadi ugu soo noqoto.

Madaxdhaqameedka Somaliland, ayuu ugu baaqay inay hawsha doorkooda ka qaataan sidii nabad loo gaadhi lahaa.

Maayarka Maagaalada Laascaanood, Cabdixakiin Cali Ismaaciil

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com