Madaxtooyada Somaliland Oo War Ka Soo Saartay kulankii Ugu Ballaadhnaa Oo Lagaga Arrinsaday Xaaladda LAASCAANOOD.

Kulan lagu gorfaynayay Xaalada Magaalada Laascaanood

Hargeysa(Hayaannews):- Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood baaqna loogu dirayo shacabka reer Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana si mug leh loogu falanqeeyey  sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa magaalada Laascaanood.

Kulankan  oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi isugu yeedhay, isla markaana ay ka qaybgaleen Shirguddoonka Golaha Guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka reer Somaliland, ayaa lagu lafo guray sidii talo midaysan iyo afkaar waxtar leh looga geysan lahaa soo afjaridda dhibaaatada Laascaanood, talo midaysan oo Somaliland u dhan tahayna loo soo saari lahaa.

Xubno kala duwan oo ka mid ah haldoorka Bulshada ee munaasibadda lagu casuumay oo halkaas ka hadlay oo ay ka mid yihiin maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, Guddoomiyaha Runga Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, suldaan Aadan Suldaan Faarax, guddoomiyaha dalladda ay ku midoobeen dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame, Agaasimaha dalladda NAGAAD, Marwo Nafiisa Yuusuf Cismaan iyo sheekhal Beledka Boorama, Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho shaqaaqada Laascaanood, iyaga oo tilmaamay inay Laascaanood tahay tiir muhiim u ah jiritaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanoodna ugu baaqay inay kaalin muuqata ka qaataan dhammaystirka arrinta Laascaanood.

Siyaasi Maxamed Jaamac oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Wakiillada ee hore oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey kulanka, ayaa reer Laascaanood ugu baaqay inay nabadda qiimaheeda fahmaan, waqtina geliyaan sidii loo soo celin lahaa horumarkii, ganacsigii iyo waxbarashadii ubadka reer Laascaanood oo haatan kala go’day, isaga oo xukuumaddana ku boorriyey inay sii waddo doorkeeda tudhaalaha leh ee ay gogosha nabadeed ku fidisay.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday qiimaha ay nabaddu leedahay, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay in wada-hadal iyo Isfahan buuxa lagu soo afjaro shaqaaqada Laascaanood, go’aanna ku gaadhay in gogol nabadeed lagu wada-hadlo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud iyo talooyin badan ka soo jeediyey kulanka, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho dhibka Laascaanood, isaga oo xusay inay Laascaanood tahay udub-dhexaadka Somaliland, waxana uu yidhi, “Somaliland hore ugamay maarmin reer Sool, maanta kama maarmi karto, waana dad is dhalay oo aan meelna u kala kici karine aynu xalka wada raadinno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa Ugu horrayn  muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad.

“Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho, waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto,” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Laascaanood, madaxdooda iyo waxgaradkoodaba ugu baaqay inay nabadda iyo walaaltinimada bulshada ka shaqeeyaan, isaga oo ballanqaaday inuu dhiniciisa xil weyn iska saarayo sidii gogosha nabadda ee taalla looga soo saari lahaa qodobbo dhibaatada taagan loo afmeera.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA GUUD EE SHIRKA NABADDA SOOL

Kulan lagu gorfaynayay Xaalada Magaalada Laascaanood

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com