“#HARGEYSA Wixii Siyaad Barre Ku Sameeyey In Cid Kale Loo Quudho Layga Filimaayo,…Reer #LAASCAANOOD-na inay Naga Adkaadaan…” Madaxweyne Biixi DAAWO

“Reer Laascaanood inay naga adkaadaan baa nooga wanaagsan annagoo isku baaba’na” Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Hayaannews): Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood baaqna loogu dirayo shacabka reer Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana si mug leh loogu falanqeeyey  sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa magaalada Laascaanood.

Kulankan  oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi isugu yeedhay, isla markaana ay ka qaybgaleen Shirguddoonka Golaha Guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka reer Somaliland, ayaa lagu lafo guray sidii talo midaysan iyo afkaar waxtar leh looga geysan lahaa soo afjaridda dhibaaatada Laascaanood, talo midaysan oo Somaliland u dhan tahayna loo soo saari lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa Ugu horrayn  muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad.

“Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho, waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto,” ayuu yidhi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNHA SOMALILAND MUUSE

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com