Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalidda Oo Markale Maxkamad La Horkeenay
October 30, 2019 - Written by admin
Jig-jiga (Hayaannews)-Madaxweynihii hore Dawlad Deegaanka
Soomaalida Itoobiya Cabdi Madamuud Cumar ayaa maanta la hor keenay Maxkamada
qaadaysa dacwada loo hasto.
Madaxweynihii hore ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya
Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo ka badan hal sanno ku jira Xabsiga ku yaala
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiaya,ayaa Maanta markale ka soo hor muuqday
Maxkamadda qaadaysa dacwadiisa oo loo haysto dambiyo uu galay intii uu joogay
xilka Madaxweynaha.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska diiday eedaha loo soo
jeediyey, wuxuuna sheegay in uu fulinayo amaro uga imaanayay saraakiisha ka
sareysa, oo uu ula jeeday Madaxda dawladda Itoobiya.
Dacwad Oogayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweynihii hore iyo
qaar kamid ah saaxibadiis in ay ka dambeeyeen falal ka dhan ah Xaquuqda
Aadanaha, Dambiyo dagaal iyo leyn loo geystay dad kala duwan.
Xeer ilaaliyaasha Dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay
hayaan cadeymo muujinaya Cabdi Ilay oo geysanaya dambiyo ay ka mid yihiin dil
iyo falal ka baxsan Xeerarka Caalamiga ah oo loo geynaysanayo qaar kamid ah
Maxaabiista Siyaasadeed.
Sidaa oo kale,waxay sheegeen in uu lahaa amarka dhacdo dad
lagu dilay oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida 4tii bishii August ee Sannadkii
la soo dhaafay,isla markaasna ay hayaan cadeymo ku filan oo ay tahay in ay
qaado Maxkamaddu.
Madaxweynihii hore wuxuu beeniyey in uu leeyahay wax dambi ah, isagoo sheegay in dambiyada lagu soo oogay uusan waxba ka ogeyn oo dadkii geystay loo raacdo, wuxuu kaloo sheegay in aysan taageerayaashu qaadan amar uu isagu siiyey.
Cabdi Ilay Hay’addaha Xaquuqda Aadamaha ayaa soo dhaweeyey
maxkamadiisa,waxayna sheegeen in ay hayaan cadeymo kasta oo ku filan
dacwadiisa,oo ay doonayaan in la horkeeno Cadaaladda oo la mariyo.