Marwo Rooda Ka Hadashay Muhiimada Dooda Baarlamanka UK: Wareysi

London (Hayaannews)- Marwo Rooda Maxamuud Karaani ayaa sheegtay in xildhibaanada saddexda xisbi ee xukuumada Ingiriiska ku jira u mideysnaayeen taageerida qadiyadda ictiraafka Somaliland, iyagoo sheegay in Ingiriisku manta u baahan yahay Somaliland, muhiimna tahay inuu ku dhiiranno aqoonsiga Somaliland, isla markaana  doodii shalay ka dhacday baarlamaanka Ingiriiska ay muhiimad weyn u leedahay Somaliland, maadama  18 sannadood ka dib tahay markii labaad ee dood lagaga hadlo qadiyadda ictiraafka Somaliland lagu soo qaado baarlamaanka, taasoo taageero balaadhan ay u muujiyeen qadiyadda aqoonsiga Somaliland dhamaan xildhibaanada ka soo jeeda xisbiyada dalka Ingiriisku.

Marwo Rooda oo hore Boqoradda Ingiriisku u gudoonsiisay bilad sharaf ayaa sheegtay in markii dalwadda Ingiriisku ka baxday Midowga Yurub ay fursad u heleen sidii ay siyaasadooda arrimaha dibedda si gaar ah ula macaamili lahaayeen dalalka ay xiisaynayaan, taasoo Somaliland ugu horeyso, isla markaana xisbiga muxaafidka talada Ingiriiska haya xilligan aynu ku leenahay saaxiibo badan, marka laga yimaado xildhibaano badan oo xisbiyadda kale ee Ingiriiska ka mid ah.

Dooda xildhibaanada xalay ayey ka dhexmuuqatay abaalkii Somaliland u gashay dagaaladii dunnida ka dhacay Ingiriiska iyagoo qirsanaa  xildhibaanadu in dhalinyaro Somaliland ah ka qeybqaateen ka difaacida gumaystahii fajiistaha talyaaniga.

Marwo Rooda ayaa sheegtay in xildhibaanadii faraha badnaa ee dooda ka qeybgalay dhamaantood carabka ku adkeynayeen “Somaliland maanta Ingiriiska ayaa u baahan, markaa aynu ku dhiiranno aqoonsiga Somaliland” ayey sheegeen.

Mar ay ka jawaabaysay Marwo Rooda waraysi weriye Maxamuud Walaaleye oo wargeyska DAWAN ah ka weydiiyey aragtideeda iyo nooca doodii shalay ahayd ayaa tidhi, “Dooda oo loo yaqaan ‘adjournment” waa nooc tijaabo oo Baarlamaanka Ingiriiska lagu soo bandhigo fikrada laga hadlayo sida ay u haysato taageero, runtiina dooda xildhibaan Gavin Williamson, oo xisbiga muxaafidka ka jeediyey baarlamaanka waxay kasbatay taageeradda dhamaan xisbiyada dalka Ingiriiska ka jira xildhibaano ka tirsan.

Mar ay ka jawaabaysay halka looga sii dhaqaaqayo doodii shalay, iyo kaalinta laga doonayo xukuumada iyo jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ku nool ayey ku jawaabay, “Waa muhiim in jaaliyadda Somaliland ee UK lixda bilood ee soo socda halkaa uga sii qaadi lahaayeen geedka soo abqaalay, una sii biyeyn lahaayeen sidii u noqon lahaa mid la hadsado, qadiyaddanu u gaadhi lahayd in dooda ictiraafka madaxbanaanida Somaliland u hortegi lahayd gole-weynaha Baarlamaanka Ingiriiska

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com