Shirweynaha Waxbarashadda Somaliland Ee Heer Qaran Oo La Daah-furay

“Wixii inoo qabsoomay, iyo waxyaabihii aan inoo qabsoomin, iyo sababta ay inoogu qabsoomi waayeen…”Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),

Hargaysa (Hayaannews): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka daah-furay shirweynaha waxbarashadda Somaliland ee heer qaran.

Waxaana si rasmiya shirweynahaasi u daah-furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland masuuliyiinta dawladaha hoose ee dalka.

Haayadaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradda waxbarashadda Somaliland, qaar ka mid ah haayadaha waddaniga ah, masuuliyiinta jaamacadaha dalka, dugsiyadda dalka ka jira, iyo bahda kale ee waxbarashadda.

Shirweynahani oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa mudadda uu socdo waxaa lagaga arrinsanayaa horumarinta qaybaha kala duwan ee waxbarashadda dalka.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka shirweynahaasi ayaa wasaaradda waxbarashadda somaliland ku bogaadiyay qabashadda shirkaasi lagaga tashanayo horumarinta waxbarashadda dalka.

“Aad iyo aad baan ugu hanbalyaynayaa wasaaradda waxbarashadda in ay diyaarisay shirweynahani qaran ee waxbarashadda Somaliland, oo lagu laffo-guri doono waxyaabaha qabsoomay, waxa inaga qabyo ah, iyo halka aynu gaadhi doono iyo sidii loo tayayn lahaa tacliinta.

Adduunyadu na waxay maanta ku dhisan tahay, oo qarramadu na ku kala horumareen sida ay tacliintu u kala qiimo badan tahay. Ama sida loo tababaro carruurta, marka laga soo bilaabo dugsiga hoose, ilaa dugsiga sare” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda loo qabtay shirweynaha waxbarashadda qaranka.

“Maanta (shalay) waxaynu isugu nimid furitaanka shirweynaha waxbarashadda qaranka, oo aynu doonayno in aynu si wada jir ah ugu eegno, shanti sanadood ee ugu danbeeyay, halka aynu ka nimid iyo wixii inoo qabsoomay, iyo waxyaabihii aan inoo qabsoomin, iyo sababta ay inoogu qabsoomi waayeen.

Isla markaana aynu go’aansano shanta sanadood ee soo socda halkee ayaynu u guuraynaa ama hiigsanaynaa” ayuu yidhi Toorno.

Dhinaca kale waxaa shirweynahaasi qayb ka ahaa qalin jebinta laba dufcadood oo ka qalin jebiyay kulliyada tabobarka macallimiinta qaranka ee jamhuuriyadda Somaliland.

Labadaas dufcadood ayaa kala ahaa dufcadda ku jirta hawlaha shaqo ee waxbarashadda qaranka iyo sidoo kale dufcad loo tababarayo macalimiinta uu qaranku u qaadan doonno.

Waxaanu madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), shahaadooyin guddoonsiiyay labadaasi dufcadood ee ka qalin jebiyay kulliyadda tababarka macalimiinta qaranka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com