Maydka Mulkiilihii Huteelka MAANSOOR Oo Ku Soo Beegan Magaalada Hargeysa  Iyo Masuuliyiinta HINDIA Ka  Soo Ambo-bixiyay.

Hindia (Hayaannews): Alle u naxariiste Mulkiilihii Huteelka MAANSOOR Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mida Ganacsadayaasha waa weyn ee Somaliland ayaa la filayaa in Maydkiisa maalinta beri oo Salaasa la keeno Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku geeriyooday dalka Hindia Jimcihii aynu soo dhaaftay.

Marxuum Cabdiqaadir-XAASHI ayaa dalka Hindiya loogu qaaday Xaalad Caafimad si loogu soo daweeyo,balse waxa halkaasi ku haleelay mowdka Marxuum Cabdiqaadir Xaashi ha u naxariisto dhammaanteena Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Marxuum Cabdiqaadir XAASHI waxa uu ahaa Mulkiilaha Huteelada Maansoor, waxaanu ka mid ahaa odayaasha iyo waxgaradka dalka, waxa lagu xusuusan doonaa kaalintiisii maal-gashi ee uu kaga qayb qaatay taabbagalka qaranka, xilli lagu jiray wakhti kabasho iyo dib-u-dhis

“Waxaanu caawa dalka Hindiya ka soo ambobixinay maydka Alle haw naxariistee Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo Jimcihii ku geeriyooday magaalada Hydrabad. Wuxuu maydku ku beeganyahay magaalada Hargeysa beri salaasada 29 march.

Maydka marxuumka waxa weheliya oo soo qaaday Hooyo Xaliimo Cali Muuse, Yuusuf Cabdiqaadir Xaashi iyo Mujaahid Maxamed Oomaar

Waxa marxuumka.soo ambo-bixiyay dad baddan oo ay ka mid yihiin.

  1. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi suldaan Cabdiraxmaan
  2. Mujaahid Ibrahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne)
  3. Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)
  4. Mujaahid Cabdiraxmaan dhool- dahable Xuunsho
  5. Cabdiqaadir Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
  6. Xamse Cabdi Shukri Maxamed
  7. Cabdirisaaq Axmed Balayax
  8. Abshir Xasan Barud
  9. Axmed Cabdiwahaab Sheekh Maxamed
  10. Axmed Sheekh Ismaaciil
  11. Maxamed Axmed

Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhammaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Mulkiilihii Huteelka MAANSOOR Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday dalka Hindiya. ILAAHAY Marxuumka ha u naxariisto Qoyskii, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha inaga siiyo.

Aamiin…………………………………………………………..aamiin

Alle haw naxariisto oo haw dambi dhaafo Marxuumka, umada iyo ehelka uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo..Aamiin.