Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Dabley Hubeysani Ku Dishay Magaalada Laascaanood

Laascaanood(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi oo ka mida ah saraakiisha xisbiga mucaaridka Somaliland ee WADDANI, ayay dablay hubaysani caawa fiidkii ku dishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi, ayaa sida warbaahinta gobolku ku warramayso caawa fiidkii dablay hubaysani khaarajisay, xili uu kasoo baxay masaajid uu bulshada kula gudanayay waajibaadka salaada cishaa’i.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, tacsi ugu diray qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay marxuun Hadraawi.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yidhi Cirro.

Cabdiaxmaan-Cirro ayaa sheegay in Hadraawi  uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, isla markaana uu ku jiray liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiilada Somaliland.isla markaana waxa uu ugu baaqay inay si deg deg ah u soo qabato, oo ay cadaalada u hor keento, dablayda Hadraawi dilka u gaysatay.

Xukuumada Somaliland ayaan wali ku guulaysan in ay cidhib tirto budhcada dilalka ka gaysta magaalada Laascaanood, dilkan ayaa dhacay xili dhawaan ciidamada booliiska ee gobolku ay gacanta ku dhigeen koox lagu eedeeyay in ay dilalka lug ku lahaayeen