Nuxur Kulan Dhex Maray Madaxweynayaasha Dawladaha Jabuuti Iyo Soomaaliya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.
February 20, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews):Madaxweynayaasha
dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle
iyo dhigiisa dalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka
wada hadlay ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee gobolka.
Sidaa waxa
lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdilaahi
Farmaajo.
Waxaana
Warsaxafadeedkaasi lagu sheegay inuu ahaa mid midha-dhala.
“Labada
Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo ee ay
wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa
sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.” ayaa lagu
yidhi warsaxaafadeedka.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidammada Jabuuti
ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ka qaateen
xasillinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne
adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha
xagjirka ah.
Safarka
Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan
Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid
Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi
(Indha-Qarsho).