#PUNTLAND Oo Caddeysay In Aanay U Hogaansami Doonin Aqoonsan Doonin, Kuna Dhaqmi Doonin Wax Ka Bedel Kasta Oo Lagu Sameeyo Dastuurka Oo Aan Heshiis Lagu Ahayn.

Madaxweynaha-Puntland-Siciid-Cabdilaahi-Danay-Hayaannews

Puntland(Hayaannews):Dowlada Puntland ayaa markii u horeysay caddeysay mowqifeeda ku waajahan isku dayga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo keligii qoraya Dastuur cusub oo gacan ku rimis ah inaaney Dowlada Puntland u hogaansami-doonin, aqoonsan doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka bedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka Soomaaliya, oo aan heshiis lagu ahayn

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa digniin adag loogu soo jeediyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu sii wado dedaalka keligiis ah ee qorista distoor cusub, fursadna la siiyo wada hadal lagu ilaaliyo midnimada dalka, iyo badbaada hanaanka federaalka ah iyo distoorka KMG ah ee heshiiska lagu yahay.

War-saxaafadeedka oo lagu kala socodsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoonka iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo beesha Caalamka,gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, oo xalay niskii danbe ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, isaga oo faah-faahsan waxa uu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha-Puntland-Siciid-Cabdilaahi-Danay-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com