DOOD FURAN: Somaliland Ma Ka Faa’iideysan Doonta Wax-Ka-Bedelka Dastuurka Dawlada Federaalka Soomaaliya

Maadama ictiraafka Somaliland uu Sharciyan inagaga xidhan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay fasaxdo oo Jamhuuriyadan u aqoonsato Dowladda Madaxbanaan oo la yidhaahdo Somaliland.

Ma ka faa’ideysan karnaa fursada wax-ka-bedelka Dastuurka DFS inaan u ololeyno sidii Dastuurka  looga saari lahaa qoddobka oranaya “Midnimada Soomaaliya Waa lama Taabtaan”.

Inaga oo adeegsanaya  Xildhibaanada magaca Somaliland ku fadhiya  labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo sharcigu u fasaxayo inay  curiyaan mooshin ka dhan ah qoddobkaa oo Ictiraafkeena ku ah caqabad aan geesna laga mari karin ilaa la laalo gebigiisa-ba. Horaa loo yidhi; “Haddii fooli timaado gudo qarsi ma jirayo”.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com