“Qolada #WADDANI Waxay U Uuman Yihiin Xumaan,Laakin…..” Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka #HAWD Axmed Cali Direyse

Xukuumadda Somaliland Oo Mishiin Weyn ku Wareejisay Gobolka HAWD

Hargeysa-(#Hayaannews):Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Marwo Nafiisa Maxamuud Shirwac ayaa maanta Mishiin weyn oo noociisu yahay 20 KVI ah ku wareejisay Masuuliyiinta gobolka HAWD.

Mishiinkan ayaa dawladdu waxay ugu talogashay Cisbitaalka Magaaladda Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka HAWD,kadib markii toddobaadkii hore uu laydhku ka bakhtiyey Cusbitaalka oo hooyo lagaga umulinayay.

Munaasibadii loo sameeyey wareejinta Mishiinka ayaa wax aka soo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gadhle, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Maxamed Caalin (TIINBARO),Maayirka Gobolka HAWD Shiine Cabdi Hayaan, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac “RAMBO” iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Nafiisa Maxamuud Shirwac ayaa waxay sheegtay inay Mishiin weyn ku wareejinayaan Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf, “Waxaan ku wareejinaynaa Mishiin weyn oo dab dhaliye ah 20KVI ah, Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Liibaan Yuusuf, mishiinkan oo aan ug tallogalnay Cusbitaalka Magaalada Baligubadle, waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahida dabka”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Caafimadka Somaliland Liibaan Yuusuf ayaa waxa uu uga mahad-celiyey Wasaarada horumarinta Biyaha Mishiinka weyn ee ay ku wareejiyeen “Mishiinka weyn ee 20KVI ah oo cusub waxaan ku wareejinayaa Cusbitaalka Gobolka HAWD, dawladu iyada ayaa ku filan adeegyada Caafimaadka iyo adeegyada ay dadkeeda siiso. Annaguna waxaan wareejinayaa is-uduwaha Gobolka iyo Agaasimaha Cusbitaalka”

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka #HAWD Axmed Cali Direyse ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku filan tahay umadeeda, isla markaana waxa uu ku tilmaaay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI inay xumaan ka shaqeynayaan. “Qolada Waddani waxay u uuman yihiin xumaan, taasna waxaa kaaga daliil ah saacada laydhku bakhtiyey iyo maalinta la keenay mishiinka, WADDANI wax noocaas oo kale ah loogama fadhiyo haday wax keenayaan waa inay si cad u keenaan.Wasaarada Caafimaadka iyo xukuumaddu ku filan umadeeda”.Ayuu yidhi Axmed Cali Direyse.

 

Mishiin weyn oo noociisu yahay 20 KVI ah ku wareejisay Masuuliyiinta gobolka HAWD.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Marwo Nafiisa Maxamuud Shirwac
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Maxamed Caalin (TIINBARO),

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gadhle,

 

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka #HAWD Axmed Cali Direyse

Axmed Cali Direyse waxa uu sheegay inay Wasaaradda Caafimada Somaliland ay dib u habayn iyo balaadhin ku sameysay Cusbitaalka Gobolka HAWD,Waxaanu yidhi “Wasaaradda Caafimaadku way balaadhisay Cusbitaalka Gobolka HAWD oo waxay ku dartay waadhadh,waxay ku dartay qeybtii ilkaha, waxay ku dartay bangigii dhiiga, waxa la keenay mishiinadii casriga ahaa. Cusbitaalka iyo goobaha caafimaadku waxay u adeegaan gobolka HAWD, weli maanan arag cid ahaan ahayn Wasaarada Caafimaadka iyo Xukuumadda”

LINKSKAN KA DAAWO:https://www.facebook.com/Hayaannews/videos/1119060946074626

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland